Maamul Kastaaba Wuxuu U Egyahay Sida Ay Wadooyin Koodu U Egyihiin

0
Monday March 25, 2019 - 16:24:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamul Kastaaba Wuxuu U Egyahay Sida Ay Wadooyin Koodu U Egyihiin

    maamuladu waxay u eg yihiin wadooyon kooda.maamul kastaaba wuxuu u egyahay sida ay wadooyin koodu u egyihiin. Haddi aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maamuladu waxay u eg yihiin wadooyon kooda.maamul kastaaba wuxuu u egyahay sida ay wadooyin koodu u egyihiin. Haddi aad

aragto wadooyin nadiifa ,oo si wanaagsan loo dayac tiray,loogana shaqeeyay,iyo suuliyo(musqulo) dadka ka wada dhexeeya oo nadiif ah,waxa hubaal ah ,oo ay taasu caddaynaysaa inaad joogto dal lagu maamulo nidaam dimuqraadiya oo daryeela arimaha bulshada ,cadaaladna ku dhaqa ,barnaamaj siyaasadeedna leh. Dhinaca kale haddii aad aragto wadooyin qashin badani dhexyaalo ,oo kuddaafad badani meel kasta daad santahay(dhoobantahay)oo dhinac kasta oo aad u jeesatoba ,ama aad eegtoba ,ay indhahaagu qabanayaan ,waxyaabo wis wis ku geliya,oo aad ku sigato inaad soo hungaacdo...waxa hubaal ah oo aan shaki kum jirin in dalka aad joogtaa uu yahay mid uu maamulo kaligii talis (sida hargaysi iminka tahay oo kale)oo kaligii taliye kataliyo ,mas uu liyiintiisuna ay yihiin qaar ku foogan arimo musuq maasuq,iyo siday hantida dalka u dhici lahaayeen.arintaa mecnaheedu waxa weeye in xukuumada dalkaasu aanay dan iyo daarrad toona ka lahayn dalkaa iyo shicib kiisa toona.Kudaafadahaasuna waxay muujinayaan iyo wadooyinkaa burbura sani (sida hargaysa-sanaag-oodwayne-boorama-imw)inuu dalkaasu ka dhintau dhinaca siyaasadda iyo wax qabadka(sida xukuumadda udub oo kale). Dalalka sidaas oo kale ahna waxay daneeyaan danahooda qof kasta ugaarka ah,laakiin danaha guud ee kawada dhaxeeya, ee ay wadaagaan,madaneeyaan mana ilaaliyaan,.. Dalalka ay dimoqraadiyada iyo maamulka wanaagsani ka jiro ,waxa la wada ilaashadaa dana guud ,qof walbaana wuxuu dhinaciisa ka ilaaliyaa waxa lawada leeyahay ,qofkastaana shaqadiisa si daacad ah ayuu u gutaa,sharcigana wuu ku dhaqmaa,dadkana wuu ku dhaqaa.hadaa dalalka uu maamul dimoqraadi ahi ka jiro ,waxa ka jira isu dheeli tir dhinaca danta gaarka ah iyo dhinacaguud.

DALALKA maamul siyaasadeed oo xumi ka jiro waxaad arkaysaa in uu garaadka siyaasiyiintiisu (xukuumadiisu ) aad u liito,oo aqoonta siyaasiyiintiisuna aad hoos ugu liidato--wax qabad kooduna aad u liito.

Hadaba waxaa loo baahan yahay inaynu maamulka iyo xilka siyaasadeedv u dhiibano ciddii wax ka qabanaysa ,ee garaad siyaasadeed oo bisil leh,ee u diyaar ah inay dalka iyo dadkaba wax u qabato,s

.. wabillaahi altawfiiq

cali maxamed biixi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...