Wafti Ka Socda Soomaliland Oo Shir Caalamiya Lagaga Hadlayo Xanuunka Hiv/Aidska Kaga Qayb Galay Wadanka Ruwanda+Sawiro

0
Wednesday December 04, 2019 - 00:21:50 in News by
  • Visits: 1968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafti Ka Socda Soomaliland Oo Shir Caalamiya Lagaga Hadlayo Xanuunka Hiv/Aidska Kaga Qayb Galay Wadanka Ruwanda+Sawiro

    Wafti Ka Socda Soomaliland Oo Shir Caalamiya Lagaga Hadlayo Xanuunka Hiv/Aidska Kaga Qayb Galay Wadanka Ruwanda+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti Ka Socda Soomaliland Oo Shir Caalamiya Lagaga Hadlayo Xanuunka Hiv/Aidska Kaga Qayb Galay Wadanka Ruwanda+Sawiro Hargaysa(HWN:- Shir caalamiya oo muddo saddax cisho ah ka socday wadanka Ruwanda,kaasi oo lagaga hadlayo dawada,daryeelida iyo hanaanka loo ogaado xanuunka dilaaga ee Hiv/Aids,kaasi dawlado badan oo kor u dhaafaya boqlaal wadan ay ka qayb galaan kaaso oo ay marti galiso wadanka Ruwanda isla markaana uu daahfuray madaxwaynaha Wadanka Ruwanda. 





Kulankan caalamiga oo ay ka qayb galeen masuuliyin ka socda dawlada Soomaliland gar ahaan wafti ay ka mid yihiin,Agaasimaha waaxda daawaynta iyo daryeelada Dadka la nool xanuunka Hiv/adiska  Ee Komishanka marwo Sahra Maxamed Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee komishanka Aidska Mr Cabdishakur iyo mid ka mida shaqalaha komishankaasi,kaasi oo ay dawlada Soomaliland ay ka mid tahay xubnaha ugu sareeya gudi todaba ah oo hogaaminaya shirka caalamiga.  



Shirkan oo socondoona muudo todabad ah ayaa waftigan ka socday dawlada Soomaliland ayaa kulamo kale duwan la qaatay,xubnaha ka kale socday wadamada kale duwan ee uu kulmiyay kulankan,kaasi oo ay kawada hadlayeen arimaha khuseeya xanuunkan Aidska iyo waliba qadiyada Soomaliland, sido kale waftiga ayaa la kulmay xubno ka mida wasarada caafimaadka dawlada Ruwanda kana wada hadlay xidhiidhka caafimaadka  labada wadan ee Soomaliland iyo Ruwanda.


 Marwo Sahra Maxamed Xuseen iyo Cabdishakuur ayaa sheegay in ariimo badan oo ku saabsan daryeelida,sida loo ogaado xanuunkan iyo daawayntiisa,waxana ay sheegeen in ay xubin ka mid yihiin gudida ugu sareeya oo  ka koban todaba xubnood,taasi oo Soomaliland magac iyo maamus u soo hoynaysa ayay yidhahdeen masuuliyinta komishanka Aidska Soomaliland.  




Mahaa markii kowaad ee wafti ka mida dawlada Soomaliland ay ka qayb galaan shirkan oo kale oo sanadkiiba hal mar lagu qabto wadanka Ruwanda oo badankii ay ka qayb galeen dawlada Soomaliland,taasina ay keentay in dawlada Soomaliland ay kursi ku yeelato gudida ugu saraysa barnaamijkan caalamiga ee kulmisa wadamo badan sanadkiiba hal mar.


HadhwanaagNews.com
Hargaysa/Office

Loading...
Loading...