Maxay Carartaa Way Curyaantee ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday December 03, 2019 - 17:03:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Carartaa Way Curyaantee ( Abdi-Shotaly).

    Waxan maqli jirey " Waal-waalataye xeradda gal" tan way u dhamaatay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan maqli jirey " Waal-waalataye xeradda gal" tan way u dhamaatay,
oo meel ay cuskato bay la'dahay, dabeed waa taas kolba derbi isku qaadaysa aan dawo lahayn, oo ay marmar-siiyo ka dhiganaysaa, bal hadda xagana ku day ilayn waa maaran waaye, waa taas siddii hal hadho qabta, kolba geed ku xoqonaysa aan xanuun ka bi'inayn, siddii uu cudurku kaga tegaayo. Shalay waad arkayseen askariga meesha ka badhaaciya, in uu isku walaaqay dhaba dhilif-yaddii uu ku adeegan jirey, ee maamul ku sheegiisa saalax-wareersan, waa kolkii 12 tobnaand ( Mudo labo sano ah) ee uu wax kala bedelo, marka ay ku soo oodanto ee ay sii qasanto, caanaha iyo biyaha isku daro, ee uu siddii shimbir garab la' uu ku meeraa-laysato dhulka, kana kici kari waayo. balse waxa weeye "kud ka guur oo qanjo u guur-tiiye" mid-ba ka-ka sii xun buu doontaa,  Micnuhu maaha wax hagaaji, ee waxa weeye kuwii hore ka fara qabsade, ee kuwanina ha ka xoolays-teen hantidda ummadda. Wuxu maryaa xaalku haatan " Haad-ba-haad kici oo haweeyaa yimi" taas oo ah intii hore-ba bikh, qaar ooman oo hor leh buu soo geliyeg darka si ay uga cabaan, laakiin ma oga in hor-tood la xaalufiyey, la dhoobo miirtay, oo kala yaac iyo cawralaay cago ay ku jirto iyo yaa naga maareeya, ilayn wax aanay aqoon u lahayn bay dhex galeene. Waad maqlayseen oday-ga magaca gaalka leh, ee ka hor joogaha ah Guurtidda, in uu lahaa " Askartii baa jiif iyo joog noo diiday aniga iyo Raggii ma adigaa ka hadhay" meesha sidaas ah ee shadaafaha laalaabatay (askartii mushahaaro la'dahay), buu hadeer sii daf siiyey qaar kaba laha oo uu doonaayo in ay iyana caloosha ku soo toosiyaan sidda Solteko.

 

Nin baa laga hayaa " Maxay carartaa way curyaantoo, cago ma lahee" Adba waad yaabiye, aduunkii wuu ka soo xidhmay, haday tahay EU-dda, AU ( African Union), UK iyo caalamka intiisa kale-ba, waxa qaylo dhaan ka muujiyey iyana Hay'yadaha Xuquuqul- Insaanka dhamaan-tood, oo meel waaqla ah bay imika kuudud-satay, dhiigii iyo dheecaan-kiiba markay ka muudsadeen, ee kii wadnaha ahaa is taagay,, kolkii xididaddii waxba soo mari waayeen, if iyo aakhiro labada-ba ka rajo beeshay, ee maxay u taraysaa tuugta uu hadba kala bedelayaa? Miyey bakhti afuufi karaan oo nolol ku soo celin karaan? Waa hore bay dhuun yeedhisaye. Reerka Ogaadeenka la yidhaaho baa waxay ku maah-maahaan " Iidoorku ninkuu adhiga kala quusto, buu geela u dirtaaye" Waa iska cayn-kaas waxa joogaaye, kuwii hore looga inaabsaday, buu meel kale u sii bedelay, oo yidhi halkaas baa qoyane iyana soo qalajiya, Bal ila eega iyana waa kuwane:-

(1) " Af-dulaaq" Buu geeyey biyaha, muxuu soo kordhinayaa, intii uu askarigu hayey waa meeshii sadexaad ee loo dhiibo'e. ma dib baa loo soo abuurey? Miyaanu kii uun ahayn? Waxan maqli jirey "Habar dhali wayday aleelo ku waalatay". Wuxuu u haystaa saw reernimo maaha? kuwii hore-ba wax ka qaban waaye. taas baa loo dudayaa dadaw.

(2) Mr Gafane oo xoolihii dhiiga ka soo dhameeyey ( Waxad tidhaahaan "Gaafaadhi) isagoo Xoolihii maamuli kari waayey, xataa Carabtii inaga xidhay in aynu dhoofno wakhti-yaddii Xajka, Baa iyaba waa ka dar oo dibi dhale, mar kale lagu meeleeyey "Qorshaynta" ee muxuu ka garanayaa, saw micnuhu maaha " Yaa geesoole Geel Baray" inta yar ee caalamku bixiyey ayey ina dhaafine, ee inoogu soo shub jeebka weeye talladda meesha lagu keenay. Askar-tani meel beri hore ay afka dhulka u dareen bay weli fool eryayaan, waxay ka dhigan yihiin waraabihii hasha afarta naas ka goostay, ilmihiina faruur-yaha jaray, ee yidhi is jaqa, dabeed intuu ka dul qoslay yidhi " Murjuc-marjac maxay ku jiqi, maxayse ka jiqi?"

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, nin jeclaaday gabadh aad u qurux badan, laakiin aanay wax-ba uga hoosayn, baa markuu guur-saday ku hungoobay, oo arkay in aanay wax-ba ahayn laakiin ay dadka ku khaldayso midab-keedda qurxoon, ka bacdi intuu madaxa hoos u lulay, oo dhafoorka qabsaday, wax uu sameeyo garan waayey buu ku yidhi " Casaanka yar baa ku caawinayee, wallee cawlooy cidlaad tahay" Waxan uga jeedaa, wax badan baa la idiin seeto dheereeyey, idinka oo aan wax-ba ahayn, sare iyo hoos-ba loo lahaa waar ka daaya sidaas kuma dhasho'e, oo wax dhegaysta la idinka waayey, hantidda ummadda yaan lagu takri falin, cadaaladda ku soo noqdda iyo wadda jirka, distoorka, sinaanta iyo wax wadda lahaanshaha, ha-yeeshee waraabe-ba-waraabe u sii dhiibaayey, dacaw-ba dacaw bedelaayey, caala-shaan colaad reer nacayb ah awgeed, badheedh iyo qushi feker la'aan ah. Maamul beelaysan oo danbe la isu sakhiri-maayo, oo qaran la isugu sheegi-maayo, qabyaalad jeebka lagu sito, inta lagu maalo la odhan maayo dalka yaan la dumin, in yarina siday doonto ka yeeli-mayso, waa taas noqotay " Diin god gel, god gorey gel, gorey god gel, god diin gel", ku ban-jartay giriyaad dhex-diisa, ay abeesaddii ka buuxday-na gondaha goysay, mana jirto wax la isu mal-dahayaa oo dambe, oo la isugu sheego wax la yidhaaho somaliland, waa taas bash tidhi siddii beed jabay, ee bal waa cidda ku lulata iyo ka wax ku waaya. Kuwan imika hamuunta qaba ee uu soo geliyey-na, awel-ba waa kuwii dhaameelka loo tuuri jirey, ee lagu korin jirey, laguna naas nuujin jirey hantidda shacabka macaluushu dishay, ee iyana ha sii gawraceen, sidaas baa faa'iido badane.

* N.B Iidoorku Ninkuu Adhiga Kala Quusto Buu Geela U Dirtaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...