Atariishadii Kansarka Ka Badbaadday: Waligey Waan Ka Mahadnaqayaa Fursadda Labaad Ee Aan U Helay Nolosha

0
Tuesday December 03, 2019 - 07:35:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Atariishadii Kansarka Ka Badbaadday: Waligey Waan Ka Mahadnaqayaa Fursadda Labaad Ee Aan U Helay Nolosha

    Atariishada caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Atariishada caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka
Hindiya Manisha Koirala ayaa maanta barteeda Twitterka soo dhigtay sawir muujinaya markii ay la xanuunsaneysay cudurka kansarka, gaar ahaan noociisa ku dhaca ilmagaleenka dumarka, waxayna ku lifaaqday qoraal ay ku sheegeysay inay waligeed ka mahad naqeyso fursadda ay mar kale u heshay inay noolaato.


Sheekadan ayaa waxaa hadal hayay inta badan warbaahinta Hindiya sida wargeyska Hindustan Times iyo Telefishinka NDTV, iyo xitaa sidoo kale baraha bulshada.


Koirala, oo ah atariisho si weyn loo yaqaanno, inta badan filimaanta ay kasoo muuqatayna la jecleysto, ayaa dagaalka ay kansarka kula jirtay ku guuleysatay sanadkii 2014-kii.


"Waligey waan ka mahadnaqi doonaa fursadda labaad ee aan u helay nolosha, tani waa fursad aad muhiim u ah oo aan u helay nolol farxad leh oo caafimaad wadata", ayey tiri Manisha.


Sawirka ayaa isgu jiray labo qeybood oo mid uu yahay xilligii ay isbitaalka ku jirtay iyo mid kale oo ah hadda mar ay ku raaxeysaneyso dabeysha dhul buuraley ah oo ay booqatay.


Kumannaan ka mid ah taageerayaasheeda ayaa jecleystay islamarkaana sii faafiyay qormada iyo sawirka ay soo dhigtay Twitter-keeda.


Wareysi ay sanadkii hore Manisha siisay wargeyska Hindustan Times ayey uga sheekeysay sida ay nolosheeda khatarta ugu jirtay markii uu ku dhacay cudurka kansarka.


"Ma garan kartid in wakhtigaas dheer ee ay daaweynta kuu socoto ay noloshaadu badbaadi karto, ugu yaraan lix bilood ayaan dawo qaadanayay, mana hubin inaan gabi ahaanba reysan doono", ayey tiri.


Waxay intaas ku dartay in dareenka noocaas ah uu qof walba baddali karo.

Waxay atariishadan si joogto ah uga mahad celisaa waxa ay warbaahinta Hindiya ku qeexeen: "sida ay uga soo laabatay qabriga agtiisa".


Manisha waxay markii ugu horreysay Bollywoodka kusoo jishay filimkeedii la magac baxay Subhash Ghai, kaasoo soo baxay sanadkii 1991-kii.


Markii ugu dambeysay waxay lasoo muuqatay filim siyaasadeed oo lagu magacaabo Prassthanam (2019), kaasoo ay sidoo kale ku jireen jilayaasha kala ah Sanjay Dutt, Jackie Shroff, Chunky Pandey, Ali Fazal iyo Satyajeet Dubey

 

BBC

 

Loading...
Loading...