Faallo:-Haddii Sidaa Lagu Daayo Komishan Madaxweyne Biixi Samaystay Waxay La Micno tahay In Laga Noqday Doorashaddii Shacabka

0
Tuesday December 03, 2019 - 05:10:40 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Haddii Sidaa Lagu Daayo Komishan Madaxweyne Biixi Samaystay Waxay La Micno tahay In Laga Noqday Doorashaddii Shacabka

    Faallo:-Haddii Sidaa Lagu Daayo Komishan Madaxweyne Biixi Samaystay Waxay La Micno tahay In Laga Noqday Doorashaddii Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Haddii Sidaa Lagu Daayo Komishan Madaxweyne Biixi Samaystay Waxay La Micno tahay In Laga Noqday Doorashaddii Shacabka
Hargeysa(HWN)-Inkastoo ay Dad badani u yaaceen Dhinaca Shuruucda, iyo Qaabka loo Waajahay khilaafka adag ee Mudada Dheer soo jiitamay, hadey noqoto Komishankii hore iyo Xulista Xubnaha Komishankan Dambe ee Sida khaldan Loo dhaariyay.

Waxaad moodaa in aaney Bulshada qeybo badan oo kamid ahi Wali fahmin halka Salka u ah Xudunta khilaafka Komishanka asal-ahaanba iyadoo aad arkeyso in Xildhibaano katirsan Kulmiye oo aan Afkooda iyo uurkoodu is Waafqasaneyni ay had iyo jeer u Nisbaynayaan in Xisbiyada Mucaaridka ahi kali ku yihiin Diidmada Komishanka, Xaqiiqdiina Markii hore ee Xisbiyadu Dureen Komishankii hore Madaxwene Biixi Wuxuu ku dhagey Qoddob uu xataa taageerayaashiisii Doorashadii Madaxtooyada si khaldan ugu turjumay taas oo ah hadii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Diido Xubnahan Komishankii hore Waxa uu u arkayay in Natiijada uu Kursiga ku Fadhiyaa ay Noqonayso Mid aan Xalaal aheyn(Hadiiba La Durro), Komishankii hore, Waa Sababta uu intii ugu badneyd ku Lumiyay Wakhtiga ee Khilaafka Komishanku u daba Dheeraaday.


Geesta kale Xubnaha hadda lasoo xuley, oo sida aynu Wada nognahey Madaxweynuhu inta ugu badan isagu yeelanayo, Sadex Xubnood oo isaga gaar u ah, iyo Labada Xubnood ee Guurtida oo uu gacanta la galinayo, iyadoo ay Sidaa tahey oo labada Xisbi ee kale khusuusan Xisbiga Waddani ee Tartanku u Dhexeeyaa uu Xubin kali ah ku Yeelanayo Komishanka haddana Waxa ay mar Walba kalsooni Daraddu ka Muuqataa Madaxweynihii Shanta Xubnood keensadey, Iyadoo Shantan Xubnood Sadexdiisu aanu mid kali ahi Buuxinayn Shuruudihii Xubno Komishan oo lagu kalsoonaan karro.
(1)-Kaltuun Sheekh Xasan:-Waa Xubnihii Komishankii hore ee Lixdii kaleba Banaanka U baxeen Waxaaney mar Walba la Xeer Noqonaysaa Komishanka hore ee ay kamidka aheyd.

(2)-Mustafe Xasan Daahir:-hawshan ka hor Waxa uu ahaa Shaqaale Dawladeed Waxaanu katirsanaa Saraakiisha Shaqaalaha Madaxtooyadda(Xoghayaha Golaha Wasiiradda), iyadoo ay u dheerayd in Lagu Mauransanaa xataa da,diisa.

(3)-Cabdirashiid Riyo-raac:- Waa Xubin kamid ah Xisbiga Kulmiye, meel cadeyntiisa loo baadi goobayaa majirto, Sababtoo ah Waxaa lahayaa dhamaanba Hadaladiisii ololaha oo ay Xataa Qabyaaldi kujirto, oo Maqal iyo Muuqaal ah.

Haddaba marka la isla Waafaqo, ee ay Xisbiyadu isla Taabtaan Xubnahan ee la isku afgarto iyadoo Shuruudaha la Waafajinayo, Marka ay Xisbiyadu isu Qanciyaan ee lagu kala Baxo Xubnaha Waxa loo Gudbinayaa intaa kadib Golaha Wakiilada , Kadibna Maxkamada Distooriga ah ayaa Dhaartii Komishanka ku dhaarinaysa, isweydiintu Waxa weeyi ma dhacdey taasi xaasha,e ma dhicin hadaanay dhicin Ma in laga Garnaqaa mise Waa in Marka hore Xaqiiqda la Garawsado, Waxaa Waajib ah in la garawasado halka Madaxweynaha Shan Xubnood ku leh Xubnaha Komishanku uu kalsooni Darro ka muujiyay Maxaa Loogu hal Celin karraa Xisbiga Xubin kaliya ku Yeelanaya? ..

Haddii Komishankaasi Ku Kooban Gacantii Madaxweynaha, ee aan Dhaartii Komishanka gaar u aheyd lagu dhaarin uu Ku adkeysto, Madaxweynuhu Waxey la macno Tahey in laga Noqdey, Nidaamkii Doorashadii Dadweynaha ee Codka iyo Qofka aheyd, loona Wareegay Nidaam Cusub oo ay haboon Tahey in Isaga Wax laga Weydiiyo.

Candiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Hadhwanaagnews Email: [email protected]

Loading...
Loading...