Ujeedada Heshiis Ay Kala Saxeexdeen Sweden Iyo Somaliya
Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa isna dhankiisa ka saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.
Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay.
Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey'adaha kale ee dowladda.
#Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho #Sweden #Swedish #FBA
Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations