Muuse Biixi Oo Bilado Ku Taxay Komishankii Ugu Shubay Doorashadii Madaxtooyada 2017+Sawiro

0
Monday December 02, 2019 - 17:47:23 in News by
  • Visits: 3760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Bilado Ku Taxay Komishankii Ugu Shubay Doorashadii Madaxtooyada 2017+Sawiro

    Muuse Biixi Oo Bilado Ku Taxay Komishankii Ugu Shubay Doorashadii Madaxtooyada 2017+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Bilado Ku Taxay Komishankii Ugu Shubay Doorashadii Madaxtooyada 2017+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagoon ah la qaatay komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ee dhawaan xilka ku wareejiyey Komishanka cusub ee xilka la wareegay.



Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba xubnihii komishanka hore, ayaa ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahadnaq lagu fooladaynayo shaqadii adkayd ee ay xubnahaasi qaranka usoo qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay waajibaadka qaranka usoo guteen.


Madaxweynaha, ayaa xubnaha hore ee komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay shaqadii cuslayd ee ay qarankooda usoo qabteen iyo sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada, waxana uu dedaalka ay sameeyeen ku tilmaamay mid ay dadkooda iyo dalkooda gashadeen.

Image may contain: 2 people, people standing and indoor
Image may contain: 2 people, people standing, suit and indoor
Image may contain: 2 people, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people standing and suit

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xubnaha Komishanka Doorashooyinka guddoonsiiyey shahaado-sharafyo mahadnaq ah oo ka markhaati ah shaqadii ay qaranka usoo qabteen mudadii ay xilkaa culus ummadda u hayeen.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting

Loading...
Loading...