Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ka Dagay Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalkiisu La Xidhiidho

0
Monday March 25, 2019 - 15:12:03 in News by
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ka Dagay Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalkiisu La Xidhiidho

    madaxweyne axmed madoobe oo muqdisho ku sugan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

madaxweyne axmed madoobe oo muqdisho ku sugan

 


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa gaadhay magaalada Muqdisho.




Madaxweynaha maamulka Jubaland oo ay wehelinayaan masuuliyiin ka tirsan dawlad goboleedkiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golaha wasiirada dawlada federaalka ah iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka.


Sida ay wararku sheegayaan ujeedada socdaalka uu madaxweyne Axmed Madoobe ku yimid magaalada Muqdisho ayaa la xidhiidha dhamaystirka heshiis hore u dhexmaray dawlada federaalka ah kaas oo dhawaan la saxeexi doono.



Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa la filayaa inuu kulan la qaaato madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, iyada oo ay hore-na magaalada Kismaayo ku soo wada shireen raysal wasaare Xasan Cali Khayre.



Ka dib marka la dhamaystiro heshiiska u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo dawlada federaalka ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaacin doono.




Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Soomaaliya

Loading...
Loading...