Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Sheegay Inaanu Taageero Uga Baahnayn Donald Trump

0
Monday December 02, 2019 - 16:28:32 in News by
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Sheegay Inaanu Taageero Uga Baahnayn Donald Trump

    Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Sheegay Inaanu Taageero Uga Baahnayn Donald Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Sheegay Inaanu Taageero Uga Baahnayn Donald Trump


Ra'iisalwasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa madaxweyne Trump uga digay in uu ku taageero ololaha doorashada guud ee UK ka dhici doonto 12-ka bishan Deseembar.


Donald Trump ayaa taageero u muujiyay ra'iisalwasaare Boris Johnson, waxa uuna ku tilmaamay in uu yahay "qofka haatan ugu macquulsan".



UK

Balse wareysi siiyay LBC, ayaa ra'iisalwasaare Johnson waxa uu sheegay in ay "habboon tahay in labada dhinacba (UK iyo Mareykanka) midba uusan faragelin ololaha doorashooyinka dhinaca kale".


Trump ayaa lagu wadaa in usbuuca soo socda uu Britain uga qeybgalo kulanka hoggaamiyeyaasha Nato.


Dibadbaxyo xooggan oo ka dhan ah Trump ayaa la qorsheynayaa in lagu beego xilli casho-shaqaf loogu sameyn doono qasriga boqortooyada Buckingham Palace, halkaasi oo boqoradda dalkaasi ay ku soo dhaweyn doonto.


Wareysigaasi LBC ayaa Johnson waxaa la weydiiyay in taageerada madaxweynaha Mareykanka ay tahay "mid uu soo dhaweynayo".


Waxa uuna ku jawaabay: " Mareykanka waxaa innaga dhaxeeya xiriir aad u dhow iyo saaxibtinnimo taabanaysa heer kastaa oo dowladdeed balse, waxa taariikh ahaan aanu waligayaga sameyn ayaa ah in innaga oo ah saaxibbo isjecel, uusan midba midka kale ololahiisa doorashado ku lug yeelan."


Boris Johnson ayaa tusaale u soo qaatay mar madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu soo farageliyay aftidii Midowga Yurub ee saandkii 2016, xilligaasi oo uu London ka sheegay in UK "ay ugu fiican tahay marka ay gacan ka geysanayso hoggaanka Midowga Yurub" haddii ay midowgaasi ka baxdana ay "safka gadaal ka geli doonto" marka loo eego heshiisyada ganacsi ee dhexmaraya Mareykanka iyo Midowga Yurub.


Ra'iisalwasaare Boris Johnson ayaa sheegay in xilligaasi Obama uu la saftay dadkii doonayay in UK ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, arrintaa oo uu sheegay in xilligaasi ay adkeyd.


Johnson ayaa hadalkiisa ku soo gebagabeeyay "waxa ugu habboon ayaa ah in waddamada xulufada ahi ama saaxibbada dhow ahi sida Mareykanka iyo UK… uu dhinacna dhinaca kale ku lug yeelan arrimihiisa ololaha doorashooyinka."


Muranka adeegga qaran ee caafimaadka (NHS)


Hadalka ra'iisalwasaaraha ayaa yimid xilli uu muran weyn ka taagan yahay in adeegga qaran ee caafimaadka dalkaasi UK uu ka mid noqdo heshiiska ganacsi ee dhex mari doono Britain iyo Mareykanka ka dib marka Britain ay ka baxdo reer Yurub.


Horraantii usbuucan ayaa hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha, Jeremy Corbyn, waxa uu soo bandhigay dukumeentiyo muujinaya wadahadal qarsoodi ah ooo u dhaxeeya Mareykanka iyo Britain oo ku saabsan heshiiskaasi ganacsi, waxaana Corbyn uu sheegay in dowladda ay iibineyso adeeggaasi qaran ee caafiamaadka.


Balse Boris Johnson ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan jirin, sidaasi awgeedna adeeggaasi NHS uusan qeyb ka ahayn wadahadallada ganacsi ee u dhaxeeya labad adhinac.




Source:BBCsomali
Loading...
Loading...