Shirkii Dardar Gelinta Shaqaalaha Dawlada Iyo Wasaaradaha Gobalka Sool Oo Manta Ka Qabsoomay Guriga Gobalka.

0
Monday December 02, 2019 - 09:09:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Dardar Gelinta Shaqaalaha Dawlada Iyo Wasaaradaha Gobalka Sool Oo Manta Ka Qabsoomay Guriga Gobalka.

    ka hor mudo xileedkii gudoomiye CABDIQANI MAXAMUD JIIDHE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ka hor mudo xileedkii gudoomiye CABDIQANI MAXAMUD JIIDHE ayaa gobalka sool ku sugnaa xaalad habacsanaan shaqo ah iyo kormeer la,aan baahsan .

 

Waxaa gobalkan ka dhici jiray in shaqaalayaasha dawladu aysan soo xaadiri jirin goobaha shaqada , taasna waxaa sabab u ahaa hogaan jilicsan oo gobalkan loo soo magacaabi jiray.

 

 

Saynu wada ognahay waxaa jiri jiray wasaarado aan la furi jirin mudo bil dhan ah , sido kalena aan wax shaqo ah qaban jirin .

 

 

Tan iyo intii MR JIIDHE lasoo magacaabay ayaa gobalkan laga dareemayaa dardar shaqo oo aad u sareysa .

 

Gudoomiyaha ayaa si joogta ah u kormeera xafiisyada wasaaradaha dawlada ee gobalkan , kuwaas oo had iyo jeer ku jira shaqooyin iyo joogtayn waxqabad oo muuqda.

 

Waxaa la kormeera goobaha wasaaradaha , sido kalena waxa la indho indheeya habsami u socodka wasaradahaas.

 

Bil kasta oo dhalata waxaa guriga gobalka ama xafiiska badhasaabka CABDIQANI MAXAMUD JIIDHE ka furma shirar qoondaysan oo uu gudoomiyuhu la galo isuduwayaasha wasaaradaha dawlada ,taas oo iftiimisay waxqabadkii badhasaabkan hada xilka haya.

 

Saaka oo sabti ahayd ayaa waxaa shir galay badhasaabka gobalka iyo dhamaan isuduwayaashii wasaaradaha dawlada kaas oo ku qotomay halka ay marayso shaqada wasaaradaha iyo xaalka gobalka, iyo sido kale sidii loo dardar gelin laha loona horumarin lahaa shaqada wasaaradaha iyo ta gobalkan sool.

 

Gudoomiye cabdiqani jiidhe ayaa ah shakhsi aqoon durugsan u leh sida loo maamulo haayadaha dawlada ee gobalkan ,taas oo ku calaamadisay hogaan u bisil siyaasada gobalkan , sido kalena ka dhigaysa mid ka waxqabad duwan dhamaan badhasaabadii gobalkan soo maray .

 

Qore= Sharmaake Faarax Diiriye.

 

Number= 063-4468743.

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...