Ruux Balaayo U Yeedhay Isagay Barkataa ( Abdi-shotaly).

0
Monday December 02, 2019 - 08:59:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruux Balaayo U Yeedhay Isagay Barkataa ( Abdi-shotaly).

    Soo bax baa la leeyahay oy sacabka leefay-saaye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soo bax baa la leeyahay oy sacabka leefay-saaye,
bal hadda intan hoose  horta ila akhriya, oo ah sheeko dhacdayWiil yar oo aan sidaas u sii da' weynayn, kolkaas uun kacay, baa mar-kiiba wuxu bilaabay, in uu sigaarka si qayrul xad ah u cabo, weliba si aan caadi ahayn isu laab raaciyey, oo maalinta aanu helin wax uu siisto, dabadda ka gurta dhulka lagu bakhtiiyey. Halkaa markay maraysay baa aabihii, ayaan maalmaha ka mid ah u yeedhay, markuu arkay in ay meel xun la marayso balwadu, aqoon la'aania ka hayso, sidda uu wax u wado, waa ka u yeedhay ee ku yidhi " Maanta waynu wadda hadlaynaa ee halkan soo fadhiiso". Odaygii wuu yaaban yahay, wuxu ku aamusana wuu garan la'yahay, waayo xaalku wuu ka sii darayaa, waanu sii og-yahay in aanu wax ka hoos qaadayn, wiil yar oo hadda u ban-baxay balwad, ilaa uu dhoorku daalo, oo ay iskii uga hor timaado waxa uu ku laalan yahay, yaan hadal kugu daaline, la isu yimi, oo la wadda hadal, odayggii wuxu ku yidhi inan-kiisii " Aabo sidani way kuu xun tahay, ismana ogid, ee iska daa sigaarka, meel baas buu kula marayaaye" Siduu wax kale uu uga filaayey iyo in uu wax ka dhegaysto, baa uu af-buuxa ku yidhi " Horta bal intaas ii dhiib", Oday-ggii halkaas baa maskax ugu dambaysay, dabeed waa ka iska kacay ee go'iisii ka qaatay, isaga oo waali ku dhaw. ujeedo iyo haatan waxay tahay halkan hoose ka eeg.

 

Waxa lagu ducaystaa" Illaahaw Balaayadda buul-keedda, ha na gelin ee na baal mari " Ruux balaayo u yeedhay, isagay barkataayoo, beerka hoosiyo laabta, kala goysa boqnaa, bukaan kii uu ku raagay, kolba kii bed qaba, kula baydha xanuunka, cudur aan bugsanayn, weliggii ka baxayn, isku buufi-naya, sidaas buu ku baxaaye, bal aan eegno kan waalan ( Asakriga), markay buurta ka tuurto, ilayn diidyey banaane. is ban-baanin waaye, biqlo way u dhamaatoo, oo waa baraar aan wax ogayn, gu' barwaaqo dhex jooga, boodh-ba aan ku korin, ilaa uu biyo waayo, ba'ayeey-ba odhan, kana waaba bestii, caqliggii ka baqoolay, barna loogu shubin, badaw aan tallo qaadan, ee kolka uu bakhtiyo, birta gawrac la saaro, indhaa loo bujiyo, buu baraaru-giyoo, ba'ayeydda ku waalan. Waxan u soo qaatay, wixii laga heshiiyey, ee Komishan ku sheega ay soo xusheen ku saabsanaa, siddii wax looga bedeli lahaa iyo in aanay is dooran inta gudi dhex-dhexaad ku sheeggu go'aan ka gaadhayaan, waad arkayseen shalay siday ku dambeysay, nin caleen-tiisu cadaatay, cidina ma joojin karto, wax ka qarsoon ummadnina ma jirto, inta reer hebel, gar ma qaata-nimadda, xaq darradda, beenta iyo hantidda ummadda, gacanta keligood loo geliyey ku sacab garaacay-saana, iyaka bay soo taaban aakhirka, ee daaya ha kala dido'e, waxaynu eegnaa cidda khasaare ku qabta, ee laga ab iyo itaal roon yahaye.

 

 Akhristaw Gabdh baa lagu yidhi " Naa qun-yar fadhiiso, oo jooji balwadda", Halkii laga eegaayey in ay qaadato waanadda iyo taladda, wax u taraysa baa waxay ku jawaabtay " Horta ii dhakhsadda rag bay sugaayee" Waxa uu micnahu yahay,  kii la isku haystay ee " Ina Riyo-Fuul" baa bay ku cariigsi ugu sii door-teen Gudoomiye ku sheeg, intay balankii la isku ogaa dhan iska dhigeen." Saw mar-kaas iska kay celi maaha? Waxa kale oo intaas sii dheer, waa duul ay balaayo u babanayso, oo wax walba futadda ka ursad'e, halkii ay askartu ka dhul sugi lahayd, wixii ay xukumi lahaayeen culimadda iyo dadkii is xil saaray ( hadhaw haba diideen go'aankee), ee ay weliba balan qaadeen kuwa reer hebel lagu soo xushay, ilayn waa duul bilaa diin ahe, oo iftin baa xalaal la qashaaye, ehelul-xaaraam ahe lama sugin, ee dhana waa lagala balamay, dhanka kale-na hoosta baa askartu amar ka siinaysay in ay is doortaan, sababta oo ah, waa wax cadaalad iyo xaq soor ka dheer yahaye, oo ku korey been iyo xaaraan, daba-martayn, oo meela aanu u soo marine run sheeg ( Taas buu ilayn waa askariyi uu moodayaa Siyaasade). Waxan ku soo xidhay qoraalkan, ninkii ba'naayaw lagu fasax, ee bal cirka soo dumi, dhulka kala qabo, ciddii aad ku ridi karto, wax hawla hadhin, ciddii aad socod-siin kartaa, halka ay ku dhigtaa, mid-ba reer-kiisa buu raaci doonaaye, isu naalee waad edeb daran tahye.

 

* N.B Soo Bax Baa La Leeyahay, Oy Sacabka Leefaysaa!

Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...