Muqdisho: Boqolaal Arday Oo Waayay Shahaadada Dugsiga Sare + Sababta

0
Monday December 02, 2019 - 08:41:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho: Boqolaal Arday Oo Waayay Shahaadada Dugsiga Sare + Sababta

    Muqdisho (HWN) Arday tiradooda lagu qiyaasay inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (HWN) Arday tiradooda lagu qiyaasay inay
gaadhayaan boqolaal arday oo kamid ah ardayda sanadkan ka baxday dugsiyada Sare ee Dawlada Somaliya ayaa lagu wargeliyay inayna hada helayn shahaadada dugsiga sare.


 

Ardaydaan oo laga soo saaray Jaamacadihii ay dhiganayeen ayaa iyagoo cabasho ah u tagay wasaaradda waxaana lagu wargeliyay in shirkadii daabacadda ay xageeda cilad ay ka jirto sidaas darteedna ay dib u dhacday ilaa dhowr bilna ay qaadan karto.

 

"waxaa noola sheegay in aan hadda iyo waqti dhow aan heli karin shahaadada sababtana ma ogin” ayuu yiri arday ka tirsan koox dhalinyaro ah oo shalay wasaaradda u doontay shahaado.

 

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto arintaan islamarkaana ay dib uga dhacday in badan oo kamid ah ardayda Soomaaliyeed balse ay xalin  doonaan sida ugu dhaqsiyada badan.

Loading...
Loading...