Adigu Hadaad Daad Tahay Beerta Cali Madaxay Ma Gali Lahayd ( Abdi-Shotaly)!
Bal in aanay meela ka soo gelin cadaaladi iyo xaqsoor iyo wax u eeki mid-koodna, dad beelo kale ah baa loo xidh-xidhay Musuq-maasaq, (Waa sidda ay in yidhaaheene) waase beelo la iska rabo'e, haddii ay run tahay musuq-maasaq baa la dabar go'nayaa, oo aan is tus iyo ii dheh aanay ahayn, oo aan dhaaln-teed dadka loo dhigayn, Cabdiraxmaan ( waa ka War-faafinta ay ku sheegaane), waxa kuwa hanti dhawrku ay ku soo helaan, xatooyo xoolo ummadeed, taas oo loo soo gudbiyey, Xeer-ilaalinta uu leeyahay maamulka jeegaanta ee dawlad Goboleedka Soimaliland. waana la soo xisaabiyey, waxa lagu haysto. waxa uu askarigu yidhi lama xidhi karo, Cabdiraxmaan ( Waayo waa inaadeerkii), oo waxa meesha ka shaqeeya murtiddii ahayd " Durbaan adigu Tumo ama nin ku xigaa ha kuu tumo". hadana dam-dam been ah iyo i-araakay i-maqlaay, sawaxan hoosta ka qalaalan, oo milil jiifo, naxli iyo cuqdadi ka buuxdo, huursanayd mudo aan qiyaas lahayni, baa sidda giraantii saabka ee dhan-gedaha kale isku wadda xidhi jirtay oo kale, loo seeteeyey beelihii kale. Ruuxa maanta aan weli wax ogaani, waa mid aan xoolaha dhaamin, oo sidda askarta ah " Laguma dhaamee dhaqaaq" oo loo ilaashado qaabkii xoolaha loo raaci jirey, ee neefka meel uga baydha dib loo soo celin jirey. waxan idin sheegayaa, qofkii u fadhiya wax Somaliland la yidhahao baa jiraw, waxad ka dhigan tahay, daayeerkii la yidhi qadhaab ka waran?, Ee ku jawaabay " Tun-kayga iyo tagoogayga ka eeg". ujeedo waxa weeye Somaliland wax la yidhaaho, hadeer gorayga baa ka hadaafay, ee candhuuf-tiina dib uga liqa, wax jira maaha imika'e. oo wasiirkii arimaha debedda ee Ereteriya,baabu askarigu sii faray in uu rabo isku noqosho somaliya ah.
Xununal-qarqooshka Labadda Askari, ay ku dumaaleen Somaliland, qurba-siraadka bilaa sharciga ah, baan doonayaa in aan maanta shaaca idiinka qaado, maamul-koodda canda-dawlan, ee ayaan-ba-ayaanta ka damabysa ka sii darayaan, siddii ciyaartii godod-laha ahayd ee" Dhan-walba u bood" uu xaalku hadeer u shaqaynaayo, taas oo micna-heedu yahay, wax kaa xaaranti-maysani ma jiraan, ee iska walaaqdda, idinka baa mididda daab-keedda haysta'e, waayo markii hore baanay xalaal ku iman, ee kufsi ay ku uureeyeen, siddii baanay nirig xaaraan ah ugu dhashay, markaa ma waxad ka sugaysaan, in xaaraani ay xalaal kuu dhasho, qofkii taas u fadhiyaw waxad ku riyootay been iyo munaafaqad, aan meela looga soo wareegin, waxana aad tahay doc iskaga baydh, si gaar ah loogu adeegto. Danta guud ee dalka iyo dadka ka door biday, isku xaaafad baanu ka nimi iyo rux-rux-doon dhuunta u dhintay, xil-dhaadhi wax uu boobo u bartay, siddii uu sheegaayey Xaaji Aadan Af-Qalooc (IHN) ee uu lahaa " Waash-maan kol ay tahay, ninkii taabay meel dheregye". tusaale u qaado, oo waxad is waydiisaa Labadan Askari ee isku sheega, Magac ay isu bixiyeen, meela aanay ka soo gelin, haddii aanay ku qaadan beri baanu xuduudda ka talawnay ( Waa Mujaahide), iyaka oo laba cumaama-dood, ay madaxa ugu duuban yihiin bay soo galeene, xagee bay ka keeneen? Maaliyadda intaa le'eg ee ay haystaan, saw boob iyo hanti umadeed maaha, haddii aad illaahay ka baqayso, oo aanay kugu abuurnayn reer hebel, oo aanad iyaka u sujuudayn, Waa shaki la'aan aan geed-na loogu soo gaban, xoolaha gacmaha ugu jiraa, in ay yihiin tii ummadda oo tuuganimo lagu dhacay.
N.B Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dheregye!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!