War Deg Deg Ah:-Ciidamada Jabhada Kornayl Caarre Oo Weeraray Saldhiga Booliska Ceerigaabo

0
Monday December 02, 2019 - 03:34:05 in News by
  • Visits: 9016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Ciidamada Jabhada Kornayl Caarre Oo Weeraray Saldhiga Booliska Ceerigaabo

    War Deg Deg Ah:-Ciidamada Jabhada Kornayl Caarre Oo Weeraray Saldhiga Booliska Ceerigaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Ciidamada Jabhada Kornayl Caarre Oo Weeraray Saldhiga Booliska Ceerigaabo


Hargeysa(HWN):-Dablay ka tirsan jabhada Kornayl Caarre ayaa weerar ku qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo.


Sida ay sheegayaan warar soo gaadhaya shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, dablayda hubaysan ayaa goor dhawayd weerar culus ku qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo oo ay bartilmaameedsadeen.

Natiijada sawirka war deg deg ah


Dablaydan oo ayey wararku sheegeen inay ka tirsan yihiin jabhada kornayl Caarre ee fadhigeedu yahay duleedka degmada Ceerigaabo kuwaas oo khasaare gaadhsiiyey ciidamada booliska ee ku sugnaa saldhiga dhexe ee xarunta gobolka Sanaag.


Sida ay wararku sheegayaan dablayada ka tirsan jabhada Kornayl Caarre ayaa markii ay fuliyeen weerarka ay ku qaadeen saldhiga booliska ee Ceerigaabo waxay ku guulaysteen inay ka baxsadaan goobta.


Dhinaca kale xukuumada ayaan ilaa hada ka hadal khasaaraha soo gaadhay ciidamada booliska ee lagu weeraray saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com
Loading...
Loading...