Bashooy Basar Xumidaa Ma Soomaalibaad Tahay
Waxaan uga soconaa qormadan siyaasadda soomaalida ayaa la cayn ah bisadaas kolba halka ay ku nooshahay/sugantahay magaca gaar ah ku leh.
Waxaynu u soo joognay madaxwayne Muuse biixi oo ina cigaal (AHN) ku eedaynaya inuu kuraastii dawladda uu beeshiisa siiyey boosaskii u muhiimsanaa kolay nabsi ma baaqdoo adoo baahan la arkee waxaynu maanta joognaa madaxwayne muuse oo isla dhaleecayntii shalay uu bixiyey ay maanta dul hoganayso.
Waxaynu u soo joognay madaxwayne muuse oo Daahir riyaale ku eedaynaya inuu komishanka doorashooyinka uu isagu u maamushay siduu doono kolay nabsi ma baaqdoo adoo baahan la arkee isla tii ayaa maanta madaxwaynaha lagu eedaynayaa.
Xoghaye Ramaax ayaa xilligii ololihii dadwaynaha reer burco meel fagaare ah ugu sheegay inay doortaan Muuse,oo muuse maanta ku haboon yahay kursiga ugu sareeya dalka ee laga xukumo wakhti yar ka dibna wuu ka soo horjeestay waxaanu sheegay inaanu muuse muusihii ahayn kulmiyanaa kulmiyihii ahayn.
Hogaamiye Xirsi wuxuu hore uga tirsanaa xisbul xaakimka isagoo jagooyin muhiima ka soo qabtay xukuumadii madaxwaynihii hore ee Axmed Siilaanyo maantana waa waddani waanu eedaynayaa gurigii uu shalay galayey.
Khilaafkii labaatankii sanno ee ugu dambeeyay taagnaa wali wuu taagan yahay wali lama xallin ee waxa lagu furdaaminayey uun isu tanaasul waxa kaliya ee is beddelay waa magacyadii muuse shalay muuse ayuu ahaa maantana waa madaxwayne, xirsi shalay wasiir buu ahaa maantana waa hogaamiye xisbi, ramaax shalay badhasaab buu ahaa maantana waa xoghaye xisbi.
Wali Bisadii uunbaa kolba inala meeraysanasa oo kolba magac inoola baxasa.
WA BILAAHI TOWFIIQ
QALINKII: Mukhtaar Xasan Axmed(dhexdhexaad)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!