Qaramada Midoobay ayaa Dusha ka saaray Ethiopia Xasilooni darrada siyaasada ee Soomaaliya.
Dhowr bilood un kadib markii uu ku guuleysatay biladda
caalamiga ah ee Nobel, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa iska
difaacaya eedeymo ku saabsan inuu faro-gelin ku hayo arrimaha dalalka deriska
la ah.
Laba warbixin oo ay soo saareen Guddiga Khubarada QM ayaa
Abiy ku eedeeyey inuu xasilooni darro ka abuurayo South Sudan iyo Somalia, oo
ah laba dal oo uu arrimahooda gudaha aad ugu lug leeyahay, sida uu qoray
wargeyska Daily Nation ee Nairobi.
Eedeymahan ayaa imanaya ayada oo Madasha Xisbiyada Qaran,
iyo maamulka Jubaland ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya inay dowladda Farmaajo
ka caawinayaan inay faro-geliso arrimaha maamul goboleedyada.
Dhinacyadan ayaa sheegaya in Ethiopia ay ciidamo aan Amisom
ka tirsaneyn kusoo daabuleyso Soomaaliya, si ay u fuliyaan hadafyada madaxweyne
Farmaajo uu kula wareegayo maamul goboleedyada.
Safiirka Itoobiya ee Kenya Meles Alem, oo la hadlay Daily
Nation ayaa sheegay in eedeymahan aysan xaqiiq ahayn.
"Mid ka mid ah tiirarka siyaasadda arrimaha dibedda Itoobiya
ayaa ah inaan la faro-gelin arrimaha gudaha ee dalalka kale. Taas waa
taariikhdeena,” ayuu yiri.
"Waxaan si deris wanaag ah u cayaarnaa kaalin aan wax ku
dhiseyno kaliya.”
Meles ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee nabad-ilaalinta
ay dalalka kale, oo Soomaaliya ay ku jirto, u joogaan hanaan nabadeed oo
kaliya, islamarkaana ay raacaan xeerarka caalamiga ah.
Ciidamada Itoobiya ayaa bishii December ee sanaddii 2018,
waxay ayaga oo ay wehliyaan ciidamada Soomaaliya shacab ku xasuuqeen magaalada
Baydhaba, si doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed loo xaqiijiyo inuu kusoo
baxo musharaxii dowladda ee Cabdicasiis Lafta-gareen.
Ka hor inta aan bishii Febraayo eee sanaddii 2017 loo dooran
madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo waxa uu ahaa siyaasi Soomaalida ka gaday inuu
neceb yahay shisheeyaha, gaar ahaan Itoobiya.
Waxa uu marar badan wareysiyo uu bixiyey ku sheegay in
Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya, islamarkaana aysan ahayn in marna
ciidankooda ay joogaan Soomaaliya.
Si kastaba, markii uu xukunka qabtay kadib, dhammaan mowqifyadiisii hore waa ay is-beddelaan. Waxa uu dowladda Itoobiya u gacan geliyey Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax oo ahaa halgamaa Soomaaliyeed. Waxa uu aqbalay joogitaanka ciidamada Itoobiya, oo uu billaabay inuu dano siyaasadeed u adeegsado, waxaana kadib uu Itoobiya ka dhigtay isbahaysi.