Awr Gaal Nabar Uu Og-Yahay Kuma Gagabo ( Abdi-Shotaly).
Haddii xumaanta iyo cariig-siga la door-bido, wax kale kama dhashaan,
oo aan ahayn gacan ka hadal, foodda oo la isla galo,
waran-waran ka hor gee, kaas oo ku dambeeya, in xaalku noqdo " Dooni
yahay waa kugu wadda jirnaa nala jab. Maalin kaste iyo cadceed soo
baxda-ba wax kaa yaabiya, oo faraha dhegaha la sii geliyo mooyaane,
maamulka askarta wax kale kama taliyaan, sideeda-bana waa laga faliyey (
Ilayn umaba ay dhalane), umana jeedaan wax hagaajiya, ee waynu isla
og-nahay in ay u boobeen food-kaba aad hanti ku hesheen iyo dhul boobe.
maanta maxay odhan kuwii lahaa wax baanu dhex ka nahay, ee dhinaca ka
rarnaa, dhanka kale-na u laba wejiilay-naayey? Kuwa aan sheegayaa waxa
weeye. Qaar maalmahan-ba ummadda isu tusaaayey in dhex ka yihiin, oo ku
andacoo-naayey, waxan wax ka qabanaynaa, Komishan ku sheega xaaraanta
ah, ee labadda askari, daba-dhilifya-doodu iyo oday tiisii u il darani
oo ku hor kaaja Guurtidda, kaas oo hor illaahay bes u taaqan, kuna jira
wakhtiggii asaasaqa, oo haatan caruuroobay. weliba aan sidaas ku beded
qabin, isugu darmeen cuqdad iyo colaad beeleed, weligiina aan daacad ka
noqon, ee meel iskaga baydh ahaa. intii magaca Somaliland ee la
basaday-ba uu jiray. ahaa kii dagaalka burco geliyey 1994kii ( dagaalkii
maryo alool). sidaas iyadda oo ah, bal maantana heshiiskii ay askarta
iyo isagu wadda galeen halkan hoose ka akhri, iyo halka xaal maraayo.
Odhaah baa waxay ahayd " Qudhaanjooy naa ku quuso, Somaalay wax ku
qaado'e", Ummad yahay, hadhaw bay odhan layma heesin, laylama hadlin,
doob hurday helay, oo ujeedadu tahay, haday kuu qudhu-qudh-samayso iyo
hadii kale-ba, maanta baa iilka si wanaagsan loo dhigay, awel xabaasha
bay dul taalay Somaliland. Waad ogaydeen in kuwo gudi ahi u tageen
Madaxdda Ururka Ucid iyo Xusbiga Waddani, oo ay ku yidhaaheen, waxanu
wax ka qabanaynaa, arimaha ay isku hor fadhiyaan Maamulka cagao jiidka
ah ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani" ay cunaha kala
gooyeen ab-laydda". gudi ku sheegaasi, waxay la Shireen kuwa beelaysan,
ee ka tirsan kooxaha jeegaanta ku ab-tirsadda, oo aan biyo is marin, ah
qaar aan daahirin abid-kood, oo ay u soo xusheen in mar kale u boobaan
Foodka. Hadaba, iyadda oo la isla ogaa in aanay is dooran inta ay xal u
helayaan arimaha la isku hayo, ee uu kaw ka yahay Komishan ku sheega
Cusub ee askarigu wato. Muwaadin bal in ay munaafaqad tahay iyo badh,
wixii ahaa Culumo, Ganacsato, siyaasiyiin qaar sheegta, odayaal,
salaadiin, dheg looma jalaq siin, ee waxay ku dambeeyeen murtiddii ahayd
" Habartu ha iska haw-haw-laysee heeladda inoo tuma. saw markaa
badheedh cad maaha, oo wixii la isla ogaa, halkaa Kuma ay ban-jarin?
Hadaba kuu dhiibanaye yaa la eersan doonaa? Maxay-se gudi ku sheegtii
haatan la shir iman doonaan? ee ay ummadda iyo mucaaradka la hor tegi
doonaan?
Arinta saaka dhacday, Wax ay ka bedelayso mawqifkii Mucaaridka ma
jirto, ee bal cidda ku maalaysaa ha ka jaqdo dhiiga tifiq leh. Waxa la
yidhi " Awr gaal nabar uu og-yahay Kuma gagabo'e, waa laga filaayey,
waana la ogaa in ay sidaas u dhacayso, kuwa dhexdda sheegana-yaana,
awel-ba Waddani iyo mucaaridka ku qaboojiya bay is lahaayeen, oo
wakhtiga kaga haleeya baa durbaan-koodu ahaa, waana laga war qabay in
aanay wax-ba soo wadin. Saakana maxay sheegi rabaan? Nin-ba ceesaantii
ceel keenye, waa ka ayse uga cabtaa, Waa arkey-seen Kii ururka Ucid ugu
jirey, ee lahaa wax baa la ii dhaariyey, wuxuu kaga
hadlaayowar-baahinta, wixii saaka dhacay iyo siday u socdeen ee loo
watay, oo uu leeyahay waxa laga baxay heshiiskii aanu la galay 17ka
xubnood ee uu ku sheegay dhex bay ahaayeen, oo aan loo joojin iyo
doorasho gacan ku rimis ah oo la soo maamushay, Amarna uu ku soo
bixiyey, kan Guriggii moorgan xaaraanta ku dhuuqaa " Xaafad-tooyadda".
Isba waayaabe, haduu diidan yahay, oo daacad ka yahay qudhunka faraha
lagula Jiro, miyuu ka baxo, hadana isaga oo dhaliilaaya, buu misana ku
leeyahay wadda shaqayn baa naga dhaxaysa. Xagee baa ciyaar-taas laga
dheelaa? Ma circa mise meel kale, waxan isna leeyahay, doc isugu baydh,
oo jooji "beerka jecliyaa xaydha jecli-yaadda" hadaad wax diidan tahay
in aad bartaas kaga baxdo bay ahayd, laakiin waxad ku jirtaa " Dhuumasho
uu dhabarku muuqdo. Diid iyo yeel wixii ka dhaxeeyaa waa yac-yacood, ee
qaydhin iyo bisayl mid uun soo raaca. kolba jenbi lama dhigo'e.
* N.B Nin-ba Ceesaantii Ceel Keen!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...