Kuuriyada Waqooyi Oo Japan Ugu Hanjabtay Iney Gantaallo Ku Weerareyso

0
Sunday December 01, 2019 - 07:56:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi Oo Japan Ugu Hanjabtay Iney Gantaallo Ku Weerareyso

    Kuuriyada Waqooyi ayaa raisal-wasaaraha Japan ee Shinzo Abe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi ayaa raisal-wasaaraha Japan ee Shinzo Abe
ku tilmaantay inuu yahay qof doqon ah oo aan siyaasadda waxba ka ogeyn ka dib markii tijaabadii ugu dambeysay ee hubka Kuuriyada Waqooyi uu si khaladan u turjumay.


Ra'iisul wasaare Shinzo Abe ayaa cambaareeyay tijaabada gantaallada Kuuriyada Waqooyi kuwaasi oo uu ku sheegay inay dhowr jeer tijaabiyeen.


Warbaahinta dalka Japan ayaa maanta oo Sabti ah sheegay inay Kooriyada Waqooyi ay gantaal baalistik ah oo ay riddadiisaa dheer tahay hawadeeda ku tijaabisay.


Kuuriyada Waqooyi ayaa laga mamnuucay iney tijaabiso gantaallada baalistikada ka dib markii ay xayiraad ku soo rogtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.


Waxaana xukuumadda Piyongyang saaran cadaadis iyo cunaqabateenno la xiriira gantaallada ay sida isdaba joogga ah u tijaabiso iyo barnaamijkeega niyuukilarka.


Wadahadallada ay Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka wada yeesheen ayaa ujeedkiisu yahay in Kuuriyada Waqooyi cunaqabateennada saran laga qaado.


Balse rajada arrintaasi laga qabay ayaa yaratay kaddib marki uu natiija la'aan ku soo gabagaboobay kulanki hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo Madaxweyne Trump ay yeesheen Bishi Febraayo ee sannadkan.


Kuuriyada Waqooyina waxay tijaabisay gantaal ay Kuuriyada Koonfureed ku tilmaantay gantaal aan awooddiisa la garan, kaasi oo ay ku tijaabisay gobolka Hamgyong ee badda Japan ku yaalla Khamiisti.


Mr Abe oo cambaareynaya Tijaabada Kuuriyada Waqooyi wuxuu sheegay: "Tijaabooyinka Joogtada ee ay Piyongyang sameyso ay khatar aad u weyn ku leeyihiin dalkiisa iyo beesha caalamkaba."


Kuuriyada Waqooyina waxay baahisay sawirka Mr Kim oo goob joog u ahaa tijaabada gantaalkaasi.


Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Waqooyi KCNA waxay maanta sheegtay: "Mr Abe inuu yahay ninka tariikhda dunida ugu doqonsan".


Waxayna Kuuriyada Waqooyi sheegtay gantaalkan ay tijaabiyeen inuu ka duwan yahay gantaalladi riddada dheeraa oo ay horay u tijaabiyeen.

 

BBC

 

Loading...
Loading...