Muxuu Daaran Yahay Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Maamulka Oromada?

0
Saturday November 30, 2019 - 15:46:16 in News by
  • Visits: 2021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Daaran Yahay Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Maamulka Oromada?

    Muxuu Daaran Yahay Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Maamulka Oromada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Daaran Yahay Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Maamulka Oromada?


Gaashaandhigga ahna ku xigeenka Xisbiga ODP ee degaanka Oromiya ka taliya Lamma Magersa ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo midaynta xisbiyada dalka ee EPP iyo nidaamka MADAMAR ee uu layimid Abiyi Axmed.

Itoobiya Oo Isu Soo Dhawaynaysa Imaaraadka & Somalia


Waxa uu sheegay in bilawgiiba uu guddida fulinta u sheegay in aanay sax ahayn hannaanka lagu midaynayo xisbiyada maamul goboleedyada ee la isugu guurayo xisbiga talada Itoobiya haya, haddiiba ay sax tahayna ay wakhtigeedii ka soo horumartay.


Waxyaabaha uu sheegay waxa ka mid ah in aanay bulshadooda Oromada ee leh xisbiga ODP aanay ka qancin karin arrintan marka horena ay tahay in bulshadu aamminto oo ku qanacdo nidaamka cusub.

 

Lamma Magersa ayaa arrintan ka sheegay mar uu u waramayay laanta Afka Oromada ee VOA, inkastoo sida wararka qaar sheegayaan waraysigan markii hore la hakiyay sababo aan la caddayn haddana xalay ayay baahisay laanta Afka Oromada ee VOA.


Hadalka Lamma Magersa ayaa kusoo aadaya xilli la rabo in dalka oo dhan laga hirgaliyo arrimaha ku saabsan midaynta xisbiyada dalka. isla markaana arrintan ayaa dhabarjab ku noqon karta siyaasadda cusub ee Abiyi Axmed rabo inuu dalka ku hoggaamiyo.


Lamma Magersa ayaa ahaa ninka ugu soo dhaw Abiyi Axmed, wuxuuna hayaa xilka ugu sareeya dawladda isagoo awood badan ku leh gudaha degaanka Oromiya ee ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Abiyi Axmed, islamarkaana uu hore u soo hoggaamiyay gobolka Oromada iyo xisbigooda.


ODP ayaan wali ka jawaabin hadalka ku xigeenkooda Lamma Magersa


Loading...
Loading...