Guddidii Dhex Dhexaadinta Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Oo Maanta La Balansan Kornayl Muuse Biixi

0
Saturday November 30, 2019 - 15:31:11 in News by
  • Visits: 3011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddidii Dhex Dhexaadinta Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Oo Maanta La Balansan Kornayl Muuse Biixi

    Guddidii Dhex Dhexaadinta Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Oo Maanta La Balansan Kornayl Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddidii Dhex Dhexaadinta Mucaaridka Iyo Muxaafidka Somaliland Oo Maanta La Balansan Kornayl Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Ergadii dhexdhexaadinaysay dhinacyada isku haya siyaasada somaliland ayaa haatan bilaabay kulamadii ay doonayeen inay iskugu soo dhaweeyaan mucaaridka iyo muxaafidka.




Ergadan oo kalsooni buuxda ay siiyeen Muuse Biixi oo hogaaminaya xukuumada iyo xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Waddani ayaa markii ay ku guulaysteen inay soo daayaan siyaasiyiintii ka xidhnaa xisbiga Waddani ka dib waxay haatan bilaabeen kulamadii ay iskugu soo dhawaynayeen dhinacyada isku haya siyaasadd somaliland.


Ergada ayaa kulan la qaatay xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid kuwaas oo u soo bandhigay waxyaabaha sababay khilaafka u dhaxeeya xukuumada.


Dhinaca kale ergadan ayaa maanta la balansan kornayl Muuse Biixi kuwaas oo isagana ka dhagaysan doona dooda uu qabo ee dhalisay khilaafka u dhaxeeya mucaaridka, kuwaas oo ka dibna go’aan ka soo saari doona khilaafkan ay doonayaan in dhex dhexaadin ay ku dhameeyaan.


Sidoo kale bulshada somaliland ayaa si weyn isha ugu haya natiijada ay ergadan ganacsatada ahi ka soo saaraan khilaafka siyaasadeed ee haatan dalka ka taagan.

Loading...
Loading...