'' Xisbiyaddu Maxay Rabaan ? ''.

0
Saturday November 30, 2019 - 10:28:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xisbiyaddu Maxay Rabaan ? ''.

    Xeerka ismaamulka goboladda iyo degmooyinka somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeerka ismaamulka goboladda iyo degmooyinka somaliland
ee loo yaqaano xeer No 23/2003/2006 wuxuu ku waajibayay dawladda hoose adeegyadan hoos ku xusan ee ay ka mid yihiin .

1- Biyaha ,

2-Laydhka .

3- Waxbarashadda aasaasiga ah ,

4- Wadooyinka .

5- Bilicda

6- Nabadgelyadda .



Adeegyadaas oo ah , adeegyadda aasaasiga ah ee bulshaddu u baahan tahay .

Dhinaca kale , miisaaniyad sanadeedka 2020 ee dhawaan xukuumaddu usoo gudbisay Baarlamaanka Somaliland , waxaa ku xusan bajadyada Degmooyinka waawayn ee ay ka mid yihiin .

1- Hargaysa 14 malyuun .usd

2- Berbera 12 Malyuun .usd

3- Gabiley 4 Malyuun .usd

4- Burco 3 Malyuun .usd


Hadaba sidaas oo ay tahay , golihii deegaanka ee ugu horeyey somaliland waxaa la doortay 2002 , mudadiisuna waxay ku dhamayd 2007 , hassa yeeshee wuxuu fadhiyay ilaa 2012 isagoo joogay 3 sanno oo dheeraadda .

waqtiyadii golahaasi ku joogay dheeraadka ee 2007-2010 , waxay ahayd waqtigii doodihii mucaaridku ugu adkaayeen , hassa yeeshee goleyaasha deegaanka la iskuma haysanin .


waa maxay sababtu ?

2- Golaha guurtidda waxaa lasoo xulay 1997 , oo ahayd cahdigii beelaha , hanaankan cusub ee doorashooyinkana kama aanay qayb gelin , welina lama soo dooran .

Golahaasina Waa golaha sarre ee baarlamaanka wadanka , waxaana mara dhamaan xeerarka kasoo gudba golaha hoose ee baarlamaanka , waxaana u dheeraada , Muddo kordhimaha iyo Nabadgelyadda .

Hadana golahaa mudada dheer fadhiyay axsaabtu iskuma haysato , waayo ?


3- Golaha wakiiladda waxay mudadu kagga dhamaatay 2010 markii kulmiye taladda la wareegay , waa loo kordhiyay hadana cidi isma waydiinin .

Mar kale , 2012 ayaa loo kordhiyay , cidi isma waydiinin .


weli way socotaa , xisbiyaduna golahaa doorashadiisa aad uma xiisaynayaan sida goleyaaha kale , waa maxay sababtu ?

Axsaabtu ma fahansana muhiimadda goleyaashaasi leeyihiin siyaasad ahaan , waxqabad ahaan iyo muuqaal ahaan , maadama oo aanay lahayn aragtiyo siyaasadeed oo balaadhan .


Sidaa awgeed , waxay isku eryadaan kursiga madaxwayne oo suke ah , kaasoo ay rabaan in ay dusha kaga yimaadaan , halkii ay hoosta kaga iman lahaayeen , maxaa yeeley axsaabtu maaha kuwo leh afkaar siyaasadeed oo balaadhan

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...