Ujeedada Kulan Madaxwaynaha Jubbaland La Yeeshay Safiirka Denmark Ufadhiya Somaliya

0
Saturday November 30, 2019 - 08:57:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Kulan Madaxwaynaha Jubbaland La Yeeshay Safiirka Denmark Ufadhiya Somaliya

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam
(Axmed Madoobe) oo booqasho ku joogga Magaalada Nairobi ayaa wuxuu xalay kula kulmay Safiirka Denmark ee u fadhiya dalalka Somaliya, Kenya, Eritrea iyo Jaziiradda Seychelles, marwo Mette Knudsen.



Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulankan uu layeeshay masuuliyiintan warbixin kaga siiyay doorashooyinkii ka dhacay Jubbaland iyo xaalada guud ee Somaliya


Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa Safiirka la wadaagay aragtida Maamulka Jubbaland ee kaga aadan Doorashooyinka Dalka ee lagu wado inay dhacaan 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorashooyinkaasi ku qabsoomi karaan.


Madaxweynaha Jubbaland ayaa wuxuu tilmaamay in doorasho hufan oo dalka ka dhacda ay ku imaan karto, heshiis siyaasadeed oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.


War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Mette Knudsen ay Madaxweynaha Jubbaland u sheegtay in danta Somaliya iyo midda caalamkuba ay ku jirto wada shaqayn dhex marta Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, taasoo ah bay tiri midda lagu gaari karo horumarka dalka, loogana adkaan karo argagixisada.


Ugu dambeen Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu Dowladda Denmark kaga mahadceliyay mashaariicda horumarineed, ee ay ka wado Jubbaland, oo ay ugu horeyso mashruuca kalluumeysiga oo Hay'adda DRC ay wax badan ka qabatay.

 

Loading...
Loading...