Qaabka Looga Faa'ido Dulsaarka Aad Saarato Alaabta Aad Iibinayso Ama Adeega Aad Qabanayso Noocuu Yahayba .

0
Saturday November 30, 2019 - 08:22:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabka Looga Faa'ido Dulsaarka Aad Saarato Alaabta Aad Iibinayso Ama Adeega Aad Qabanayso Noocuu Yahayba .

    MAR KASTA ISKU DAY INAAD SAMAYSO DISCOUNT

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAR KASTA ISKU DAY INAAD SAMAYSO DISCOUNT
WAXAA LAGA YAABAA INUU GANACSIGAAGA SABAB U NOQDO INUU KOBCO NOQDANA MID BALAADHAN.
Waa Dulucda Maqaalka .

Waxaa Jira habab badan oo Looga Faaido in Ganacsigaagu Shaqeeyo Waayo Sababtoo ah Waxa Ganacsiga loo Furto Ayaa ah Faaido .
Hadaba Mar Kasta oo Faaidada Dulsaarka Ganacsigaagu Yaraado Waxaad Helaysaa Dad Badan oo Wax kaa iibsada Sababtoo ah Alaabtaada Ayaa ka Jaban kuwa Dadka kale ee kula Midka ahi Hayaan okay.
Waxaa jira sidoo kale dad jecel in uu ka Faaido shay kasta Lacag fiican Ganacsiga Noocaas ahi hore uma Socdo Waayo Faaido badan ayuun buu Daydayaaya.


Isku day inaad Samayso discount Alaabaha kale ee Yaalana si Dakhligaaga Maalinlaha ahi u Kordho.

TUSAALAHA 1AAD:-
Hadii Aad Haysato Kaalin Shiidaal oo Literka ka  Magaalada Laga siiyo 7000 oo Shilin Adigu isku day inaad ka jabiso 200 oo Shilin oo Aad ka Siiso 6800 Waayo 200 ee aad ka Jaban tahay Waxay Sababayaan in dad badani kugu soo Xidhmaan oo laysku kaa soo Tilmaamo oo la Yidhaa Kaalintaas Ayaa ugu Shidaal jaban iibkaagu wuu ka  Badanayaa ka siiya 7000 .
Shiidaalku hore ayuu kaaga soconayaa faaido yar oo degdeg ahna waad helaysaa .
Discount Aad Doontana Waad Samayn Kartaa.
Sababtu waa discount ka aad Samaysay.
isku day inaad Samayso discount Alaabaha kale ee Yaalana si Dakhligaaga Maalinlaha Ahi u kordho.

TUSAALAHA 2AAD:-
Waxaad Haysataa Tukaan Samee discount 10% ah sida biyaha Xabada dhexe ee 750 Ml ah  Magaalada laga siiyo 2500 isku day inaad Adigu ka siiso 2000 oo shilin waxaa laga Yaabaa inaad iibiso  Maalinkaas cadad badan oo biyo ah.
Xaga ka kale ee siinaya 2500 laga yaabo inuu iibiyo tiro yar .
Sababtu waa discount aad samaysay isku day inaad Alaabaha kale ee aad haysana u Samayso discount 10 % ilaa 18% kana jaban Tukaamada kale ama kuwa Aagaaga Degan.
isku day inaad Samayso discount Alaabaha kale ee Yaalana si Dakhligaaga Maalinlaha ahi u kordho.

TUSAALAHA 3AAD:-
Hadiiba aad Haysato Bushaaro oo aad iibiso Mobile-da noocyadooda kala duwan isku day inaad Saarato halkii mobile qiimo macquula Sida 2$ 3$ 4$ waayo dadka badankoodu waxay ka daydayaan Faaido aad u badan oo ah 20 $ ilaa 40 $ Halka Qaar saartaan 150$ Halka Mobile Waanay dhacdaa .
Adigu halkii mobile  isku day inaad Samayso discount 28% ah waayo iibka Meheradaadu aad ayuu u Badanayaa Waanu Kobcayaa Dakhli maaline badana wuu ku soo Galayaa  hala shaqaysto sababtu waa discount aad Samaysay.
isku day inaad Samayso discount Alaabaha kale ee yaalana si Dakhligaaga Maalinlaha ahi u kordho.

TUSAALAHA 4AAD:-
Fikradani waxay khaas u tahay haweenka  Waxaad haysataa meherad saloon beauty ah .
Isku day inaad samayso discount 30% ah Waayo hadiiba aad ka jabnaato kuwa kale ee Qayrkaa ah waxa Hubanti ah inaad Yeelanayso macaamiil Farabadan ,Macaamiishuna Sababtoo in 
Dakhligaagu kor u kaco oo aad ka Faaido Tusaale hadii qofka   laga qaado 30$ isku day inaad ka Qaado 20$ ilaa 25$ inta u dhaxaysa Mar kastoo uu bato discount kaagu waxa Badanaya Dakhligaaga iyo Macaamiishaada.
Ma garanaysaa sababata uu kor ugu kacay Ganacsigaagu Iyo Shaqadaaduba waa discount aad samaysay.
isku day inaad samayso discount Alaabaha kale ee yaalana si Dakhligaaga Maalinlaha ahi u Kordho.

TUSAALAHA 5AAD :-
Hadiiba aad Haysato Meel wax lagu Copyeeyo Stationary Samee discount
ka duwan kuwa kale ee a
Aagaaga ka furan Tusaale hal Warqad ee lagu Copyeeyo 500 Adigu ka dhig 350 Waxaa Laga Yaabaa in dad badani kugu soo Xisaabtamaan Gaara Ahaan Ardaydu Aadna Aad  ugu Mashquusho Sababtu waa discount ka aad Samaysay isku day inaad samayso discount Alaabaha kale ee yaalana si Dakhligaaga Maalinlaha ahi u Kordho.

DHAMAAD.


WQ : Engr Abdifatah Jama Ahmed 

EMAIL ID : [email protected] 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...