Guddida Kala Dhiman Ee Doorashooyinka Somaliland Oo Laga Hor Istaagay Inay Gudoomiye Cusub Doortaan

0
Saturday November 30, 2019 - 01:36:36 in News by
  • Visits: 5797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Kala Dhiman Ee Doorashooyinka Somaliland Oo Laga Hor Istaagay Inay Gudoomiye Cusub Doortaan

    Guddida Kala Dhiman Ee Doorashooyinka Somaliland Oo Laga Hor Istaagay Inay Gudoomiye Cusub Doortaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Kala Dhiman Ee Doorashooyinka Somaliland Oo Laga Hor Istaagay Inay Gudoomiye Cusub Doortaan

 


Hargeysa(HWN):-Guddida cusub ee doorashooyinka somaliland ee uu dhawaan dhaarsaday Muuse Biixi ayaa laga hor istaagay inay doorteen gudoomiye.

Natiijada sawirka guddida cusub ee doorashooyinka somaliland


Guddida doorashada ee uu Muuse Biixi kaligii dhaarsaday isla markaana ay qaadaceen xisbiyada mucaaridka ahi isla markaana kala dhiman ayaa doonayey inay iska dhex doortaan gudoomiye cusub.


Guddida dhexdhexaadinta ee ku hawlan isku soo dhawaynta mucaaridka iyo muxaafidka ayey wararku sheegayaan inay xubnaha cusub ee guddida doorashada ka hor istaageen inay doortaan gudoomiye ku meelgaadh ah oo cusub.


Guddida dhexdhexaadinta ayaa ku dooday in khilaafka mucaaridka iyo muxaafidku uu sii kululaanayo haddii ay guddida cusub ee doorashadu yeeshaan gudoomiye cusub, iyaga oo sheegay inay ilaa hada wadaan dedaalo ay iskugu soo dhawaynayaan labada dhinac.


Dhinaca kale guddida cusub ee doorashooyinka oo ay ka dhiman tahay xubintii xisbiga Waddani ayaa qorshaynaya inay sabtida fadhi ka yeeshaan go’aanka lagaga hor istaagay inay gudoomiye cusub yeeshaan, kaas oo la dhawrayo natiijada ka soo baxda.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...