Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Kufsi Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
Saturday November 30, 2019 - 01:33:47 in News by
  • Visits: 1994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Kufsi Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Kufsi Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Kufsi Ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Qaramada Midoobay ayaa kufsi horaantii Isbuucan gabar 11 jir ah loogu geystay magaalada Muqdisho ku qeexday "fal argagax leh".


Bayaan uu soo saaray madaxa UNFPA, xafiiskeeda Soomaaliya, Anders Thomsen ayaa lagu cambaareeyay dhacdadaas.

Sawir tusaale ah


Bayaanka ay hay'addu soo saartay oo lagu daabacay bogga ay internet-ka ku leedahay ayaa lagu yiri sidan: "Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA), xafiiskiisa Soomaaliya wuxuu cambaraynayaa ficilkii foosha xumaa ee loo gaystay gabadh 11 sano jir ah, oo lagu kufsaday Talaadadii toddobaadkan iyadoo markaas gurigeeda ku soo laabaneyso oo ku yaal Degmada Wardhiigleey ee Magaaladda Muqdisho, Soomaaliya.


Waa naxdin iyo argagax weyn in ay sii socoto inaan aragno falalka noocan oo kale ah oo si isdaba joog ah u dhacaya. Waxaan garab taaganahay qoyska gabadha, waxaana ku baaqaynaa in caddaalad la horkeeno dhacdadan kaliya maahee, laakiin kiisas badan oo tacadiyaadka galmada la halmaala kuwaas oo sii socodkoodu khatar galinayo wanaagga, iyo badbaadada gabdhaha iyo haweenka Soomaaliya.


Xadgudubyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha waa ku xadgudubka xuquuqul insaanka. Waa wax laga xumaado in la arko falalka noocaas ah dhacaya inta lagu guda jiro 16-ka Maalmood ee ololaha looga soo horjeedda tacadiyada ku salaysan jinsiga.


Waxaan dhamaanteen u baahanahay inaan ka wada shaqeyno sidii aan u hubin laheyn jiritaanka tallaabooyin ilaalinkara oo ku habboon gabdhaha iyo Haweenka Soomaaliyeed, waxaanan ku baaqeynaa in si dhakhso loo dardargaliyo ansixinta xeerka Dambiyada Galmada la xariira oo iminka horyaalla baarlamaanka dalka Soomaaliya".


Ma aha markii ugu horreysay ee meelo Soomaaliya ka mid ah laga soo tabiyo kufsi loo geystay gabdho da' yar.


Bishii May ee sanadkan Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridday raggii ku eedaysnaa kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo sanadkaan horraantiisii kufsi iyo dil loogu geeystay magaalada Gaalkacyo.


Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhawaaqay xukunka.


Ragga la xukumay ayaa kala ahaa: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.


'Waxaan ka cabsaneynaa raggii la rabay inay na difaacaan.


Horaantii sanadkan waxaa waxaa Puntland ka dhacay mudaharaad ay haween soo abaabuleen oo looga careysnaa geerida gabar 13 jir ahayd, oo sida la sheegay la kufsaday ka dibna la dilay.


"Gaari ma raaci karno, oo ma lugeyn karno, waxaan ka baqeynaa nimankii na difaaci lahaa oo garabka noo noqon lahaa, waan dulman nahay, 24 saac nolol kuma jirno", ayey tiri haweeney ka mid ahayd dadkii ka hadlay mudaharaadkaas.



Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...