Raysal Wasaaraha Ciraaq Oo Iscasilaad Gudbinaya Iyo Sababaha Ku Dhaliyey

0
Saturday November 30, 2019 - 01:30:45 in News by
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Ciraaq Oo Iscasilaad Gudbinaya Iyo Sababaha Ku Dhaliyey

    Raysal Wasaaraha Ciraaq Oo Iscasilaad Gudbinaya Iyo Sababaha Ku Dhaliyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Ciraaq Oo Iscasilaad Gudbinaya Iyo Sababaha Ku Dhaliyey


Rai'sul wasaaraha dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa gudbinaya iscasilaadiisa,sida laga soo xigtay xafiiskiisa.


Iscasilaada ayaa imanayasa ka dib maalin dhiigii ugu badnaa uu daatay oo ay dibadbaxyada ku dhinteen dad ka badan 40 qof.

Mr Cabdul Mahdi


Hogaamiyaha ugu sareeya ee Shiicada Ciraaq ayaa cambaareeyay in awood loo isticmaalo dibadbaxyada waxa uu ku baaqay in la dhiso dowlad cusub .


Dad gaaraya 400 oo qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada Ciraaq tan iyo intii ay bilaabmeen bishii October.


Dadka reer Ciraaq ee dibadbaxa dhigaya ayaa waxay dalbanayaan in shaqooyiin loo abuuro islamarkana la soo afjaro musuqmaasuqa baahsan ee dalkaasi ka jira.


Waxay sidoo kale ay cabasho ka muujiyeen adeegyada dowlada oo ay sheegeen in ay liitaan.


Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay wararka sheegaya in dibadbaxayaasha rasaas loo adeegsaday .


Bayaanka ka soo baxay xafiiska rai'sul wasaaraha ayaa lagu sheegay in iscasilaadiisa uu u gudbin doono baarlamaanka si ay u soo xushaan dowlad cusub.


Waxa ay tallaabadan ka dambeysay ka dib hogaamiyaha ugu sareeya Shiicada Ciraaq Ayatollah Cali al-Sistani uu ku baaqay in dowlad cusub la soo dhiso.


Bayaanka ka soo baxay xafiiska rai'sul wasaaraha laguma sheegin waqtiga uu iscasilaadiisa gudbin doono.


Maalinta axadda ayaa lagu wadaa in baarlamaanka Ciraaq ay yeeshaan kulan degdeg ah.


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...