Orodyahanka Mo Farah Oo Dib U Bilaabay Tartan Uu Hore Uga Fadhiistay

0
Saturday November 30, 2019 - 01:28:33 in News by
  • Visits: 1769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahanka Mo Farah Oo Dib U Bilaabay Tartan Uu Hore Uga Fadhiistay

    Orodyahanka Mo Farah Oo Dib U Bilaabay Tartan Uu Hore Uga Fadhiistay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orodyahanka Mo Farah Oo Dib U Bilaabay Tartan Uu Hore Uga Fadhiistay


Orodyahanka afarta jeer ku guuleystay horyaalnimada ciyaarada Olympic-da, Mo Faarax ayaa difaacan doona billaddiisa orordka 10,000m(tobanka kun ee mitir), marka uu ka qeyb galo tartanka Tokyo Olympics ee lagu wado inuu dhaco sanadka soo socda ee 2020-ka.



Faarax oo ah 36 jir, islamarkaana matala Great Britain, ayaa tartamada waaweyn ka fariistay sanadkii 2017-kii, si uu diiradda u saaro orodka loo yaqaanno marathon-ka ee lagu qabto magaalooyinka.

.

Laakiin isagoo hadda heysta billadaha dahabka ee orordka 5,000m(shanta kun ee mitir) iyo 10,000m(tobanka kun ee mitir), oo kala ahaa tartamadii Olympic-da ee 2012-kii iyo 2016-kii, wuxuu go'aansaday inuu dib ugu laabto meesha uu guulaha ugu badan kasoo hoyin jiray.


"Sanadka soo socoda, waxaan dib ugu noqonayaa tartanka weyn, waxaana isku dayi doonaa orodka 10,000m(tobanka kun ee mitir)", ayuu yiri Mo Faarax oo bayaan soo dhigay baraha bulshada.


"Waxaan rajeynayaa inuusan xawaaraheyga wali isdhimin laakiin waxaan sameyn doonaa tababar badan, waana eegi doonaa waxa aan sameyn karo. Runtii aad baan u xiiseynayaa", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Faarax, oo lix jeer ku guuleystay horyaalnimada caalamiga ah, haddana wali ka qeyb qaadanayay tartamada waaweyn ee marathon-ka, ayaa horaantii sanadkan si sarbeeb ah u sheegay inay suurtagal tahay inuu dib usoo rogaal celiyo, maadaama uu "u xiisay" dareenka uu lahaa tartankaas weyn ee Olympic-da.


Bishii October wuxuu kaalinta 8-aad ku dhammeystay tartanka Marathon-ka ee Chicago, kaasoo uu kaalinta koowaad uga guuleystay sanadkii 2018-kii.


Faarax, oo wali u baahnaan doona inuu tartan isreeb reeb ah u galo ciyaaraha lagu qabanayo Tokyo, ayaa yiri: "Runtii waxaan aad u xiiseynayay inaan tartammada marathon-ka ka qeyb galo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.


"Inaan ku guuleysto Chicago Marathon waxay ahayd arrin fiican, inaan kaalinta saddexaad ka galo London Marathon iyaduna waxay ahayd mid caadi ah, waxay ii ahaayeen cashirro badan oo aan qaatay".


Go'aanka uu Mo Faarax dib ugu soo laabtay tartankan weyn ayaa kusoo aaday xilli uu wajahayo su'aalo laga weydiinayo xiriirka uu la leeyahay tababarihii hore ee orodka, Alberto Salazar, oo lagu ganaaxay inuu shan sano ka fariisto ciyaaraha, ka dib markii lagu helay inuu ku xadgudbay sharciga mamnuucaya isticmaalka daroogada.


Isagoo hadlayay ka hor inta uusan ka qeyb galin tartankii Chicago Marathon, Faarax wuxuu yiri: "Ma aanan sameynin wax khaldan", wuxuuna sheegay inuu jiray "qorshe" isaga ka dhan ah.

Loading...
Loading...