Faallo:-Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Biixi Caddaadis Ku Saaray Sii Daynta Masuuliyiintii WADDANI

0
Friday November 29, 2019 - 00:38:12 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Biixi Caddaadis Ku Saaray Sii Daynta Masuuliyiintii WADDANI

    Faallo:-Beesha Caalamka Oo Caddaadis Ku Saartay Madaxweyne Biixi Innuu Sii Daayo Labada Masuul Ee Xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Beesha Caalamka Oo Caddaadis Ku Saartay Madaxweyne Biixi Innuu Sii Daayo Labada Masuul Ee Xisbiga WADDANI
Kampalla(HWN):-Waxa Sallaasadii toddobaadkan aynu ka sii baxayno dib u helay Xorriyaddoodii Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenkii Xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun iyo Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle oo Sagaal cisho ah ku xidhnaa Xabsiga wayn ee Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil.


Xadhiga saddexdan Masuul waxa uu salka ku hayay arrin siyaasaddeed, waxaannay Xukuumadda talada haysaa dhibsatay hadallada sida fallaadhaha oo kale uga soo baxaya Xoghayaha guud ee Xisbigaas WADDANI Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka Barkhad Jaamac Batuun, iyaddoo ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi marmar-siiyo ka dhiganaysa arrimo Amniga dalka khuseeya ay sifo baalmarsan Sharciga dalka u yaalla ay Xabsiga dhigtay labaddan Masuul ee dhalinyaradda ah, isla markaanna ka mida baalasha uu ku duullo Xisbiga WADDANI.

Inkastoo ay dedaalo badan sameeyeen Ergooyin isku xil-qaamay inay dhexdhexaadiyaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, gaar ahaan Xisbiga WADDANI oo labaddan Sarkaal ka xidhnaayeen, haddana dedaalladaas waxa diidday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ha-yeeshee sidaa la iskuma dayne waxa aakhirkii kulan la yeeshay Guddi isugu jirta Ganacsato iyo Culimo awdiin, kuwaasoo sheegay innuu ka aqbalay Madaxweynuhu innuu sii daayo Xoghayaha guud iyo Afhayeenka Xisbiga aqlabiyadda shacabka haysta ee WADDANI.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ergaddii ganacsatadda ahayd uu iskaga dhigay innuu aqbalay codsigii ay ula yimaaddeen oo ahaa wax kaleba ha innoo danbeeyaanne bal horta Madaxweyne xorriyaddoodii u soo celi labadda Masuul ee kuu xidhan, hase-yeeshee xaqiiqdu waxay ahayd oo Madaxweynuhu aqbalay go'aannadii beesha caalamku caddaadiska ku saartay oo ay ka mid ahaayeen innuu si deg-deg ah Xorriyaddoodii ugu celiyo labadda Masuul ee Xabsiga ku jira, balse waxa uu iska dhigaayay nin u soo joogsadday ergaddii dhexdhexaadinta wadday.

Si kastaba ha ahaatee, Warsaxaafaddeed ay si wada-jir ah u soo saarreen beesha caalamka ee Somaliland ka taageera qabsoomidda doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadda, ayaa waxay walaac ka muujiyeen Xadhiga sharci-darrada ah ee sii kordhaaya, kaasoo ay sheegeen innuu dhaawac wayn u gaysannaayo kobcinta hannaankii dimuqraadiyaddeed ee Somaliland ku naalloonaysay.

Kampalla, Uganda
Hadhwanaagnews, Office

Loading...
Loading...