Habdhaqanka Islaamka (Qodobka Saddexaad Ee Guusha)

0
Monday March 25, 2019 - 09:02:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Habdhaqanka Islaamka (Qodobka Saddexaad Ee Guusha)

    Maadama aynu maalinba maalinka ka danbaysa qaada dhigayno guusha iyo taxane aan marnaba kala go lahayn oo saamayn wanaagsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maadama aynu maalinba maalinka ka danbaysa qaada dhigayno guusha iyo taxane aan marnaba kala go lahayn oo saamayn wanaagsan leh maanta waxaynu falanqaynayna qodob aad u muhiim ah oo aynu hore u sheegnay in uu yahay qodobka sadaxaad ee taxanaha guusha si aynu guul uga gaadhno if iyo akhiraba si aynu u noqono dad gobonimo doon ah hadaba aynu falanqayno walaalayal.


Sideddaba habdhaqanku waa nidaam lagu kala sooco bulshoyinka aduunka ku nool xag diin iyo xag dhaqanba iyo waliba sida ay u noolyihiin.



Hadii aynu si cad isu bar bardhigno labada qoomiyadood ee aduunka ka jira oo kala ah muslim iyo gaalo waxaynu miqyaas ka dhigaynaynaa xaga diinta ,dadnimo wanaaga, runta iyo kalsoonida iyo waliba midnmada.


Sidedaba islaam ahaan waxa seeska inoo ah waa kitaabka quraanka ah iyo sunadeena oo aynu wax walba oo nolosha ah kala soo baxayno isla markana aynu habdhqan nololed ka dhiganayno si aynu u gaadhno guulo la taban karo o lama ilaawan ah.


Sifooyinka cajibka ah aynu u bahanahay waa in aynu noqono mar walba dad diintooda ku ad adag oo raacdenaaya mar walba.


Habdhaqanka wanaagsan ee qofka islamka ah waxa u kaso bilaabma waaga u yaryahay o isla markiba waxa lagu tarbiyeeya nidaamka saxda ah ee habdhaqanka qofka islaamka ah hadii ay tahay run sheegista dabaqaada hadalkisa iyo ficilkisa iyo waliba in uu ka run sheego waxa u aminsanyahay oo sax ah.


Hadii aynu fiirino maanta habdhaqanka umadeena soomaliyeed waxaad arkaysa dad fara badan oo ka tanaasulay dhaqankii soomalida lagu yaqaanay ee gobta ahaa tusaale ahaan waxaad arkaysa dhalinyaro fara badan oo timiha xiiran isla markaana food goostey oo marka aad waydiiso an garanayba waxa u u goostey kaliyata ku odhanaaya waan iska goostey walaahay iyo waliba hablo iyo inimo wada socda suuqa isla markaana aan muxrim isu ahayn oo aad moodo habeen walba in ay soo kordhayaan iyo waxyaabo fara badan oo aan lasoo koobi karayn.


Hadaba dhalinyaro inaga ayaa u maqan dalkeena hooyo ma jirto cid kale oo inoo maqan sida daraded aynu sameeno isbadal ku dhisan habdhaqan sax ah oo nololeed kaas oo saamayn ku yeelan kara dhalinyarada gaalada ah ee reer yurub isla markaana aynu soo jiidano oo ka yeelno umad islaam ah maadama ay tahay masuuliyad dusha inoo saran oo nabi maxamed scw iyo asxabtisi inoga tageen.


Ugu danbayn waxaan leyahay walaalayaal aynu ka tanaasulno caado xumadaas oo aynu u tanaasulno caado dhaqameed wanaagsan oo islaamku ogalyahay.

Alla mahad leh alla mahad leh alla mahad leh


By: Mohammed Adam Hassan

Engineer Developer and Successful

E-mail: [email protected]

Tell: 0634394700

( isbaddel ka bilaabmay shakhsi isla markaana u xuub siibtey bulsho dhan si ay u noqdaan Hormuudkii Horumarka Ee dunidan aynu ku noolnahay )

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...