Soomaalidii Hore Iyo Garsoorka:

0
Thursday November 28, 2019 - 22:20:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 6900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Soomaalidii Hore Iyo Garsoorka:

    Soomalidu waxay lahayd hab garsoor oo cadaalad ku salaysan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomalidu waxay lahayd hab garsoor oo cadaalad ku salaysan

 oo loogu kala bixi jiray si aan eex lahayn.


Xeerbeegtidu waxay si kal iyo laab iyo dhago daloola ku dhagaysan jireen dooda labada dhinac ee is haya gartoodana ay naqayaan.



Waxaaba jirtay odhaah murtiyeed aad u qiimo badan somalida dhexdeeda taas oo ahayd (culimo duco mudan, gari xeerbeegti mudan, guur hidde mudan, Gobi gudoon mudan).


Maxaa loola jeedaa odhaah murtiyeedkan qiimaha iyo qunuudaba badan aan idiin fasiro ee aad u dhugo akhriste sida aad ku arki doonto cutubyo kale:


*    Culimo duco mudan:waxa loola jeedaa meelkasta oo layskugu yimaado culimada ayaa ducada xaq u leh ileen iyagaa cilmiga u badiyee.


*    Gari xeerbeegti mudan:waxa loola jeeda marka la garamayo waxa garta inay qaadaan mudan xeerbeegtida ileen iyagaa xeerka ubadiyee.


*    Guur hidde mudan:waxa loola jeedaa marka uu ninku guursanayo waa inu inanta uu guursanayo uu eego reerka ay kasoo jeedo oo hideheeda aad udhowraa ileen guur ayaa umudan hide.


*    Gobi gudoon mudan:waxa loola jeedaa ugaaska, suldaanka, boqorka, beel daajiyaha, malaaqa, garaadka, islawga, islaanka iyo in dhamaan qaybaha madax dhaqameedku yihiin taladii la gaadho gudoominteeda inay iyagu u mudan yihiin oo xaq u leeyihiin ileen gudoonka waa iyagee.


Hadii labada qof ee is haya mid qanci waayo oo uu hadalka kulaba noqdo, xeerbeegtida ayaa isku soo hadhi jirtay oo dabadeed gudo gali jirtay gartii iyagoo marka hore ku bilaabaya faataxada marka 2aadna ku ducaysanaya ducadii caanka ahayd ee ahayd (allow eexna ha nooga tegin aqoon darana hanagu cadaabin).


Waxay xeerbeegtidu ducada ilaahay kaga baryayaan inaanu ilaahay kaga tegin hadii ay cid u eexdaan oo dhibaatada eexda uu ilaahay dhadhansiiyo, sidoo kale waxay xeerbeegtidu ilaahay kaga magan galayaan ducadaas inaanu ku cadaabin wixii aqoon daro ah ee ay geystaan inta ay gerta ku jiraan ama ilduufka ku dhaca ee ay aqoon daridu keento.


Marka ay intaas dhameeyaan ayaa waxay is waydiin jireen xeerbeegtidu horta gartan aynu naqaynaa ma ugubaa mise waa curad?


Ugub: waxa looga jeedaa gar cusub oo aan nooceeda hore loo arag deegaankana aan hore u soo marin.

Garta noocaas ah waxa loo yaqaanay ugub waxaana kobtaa la joogo loogu samayn jiray xeer horleh oo cusub.


Curad: waxa loo yaqaanay xaajadii ama gartii tu lamid ahi ay bulshada soo martay islamarkaasna laga samaystay xeer la yaqaan.


Garta noocaas aha waxay lahayd xeer caan ah oo lawada yaqaan oo ay xeerbeegtidu u raaci jirtay kuna fardaamin jireen marka mid lamid ahi dhacdo ama la arko.


Gartu waxay u qaybsantaa laba qaybood garcadaawe iyo gar maslaxo.


GAR MASLAXO: Waa gar ka dhaxaysa laba qof oo aan kala gelin wax dhiig ah sidoo kale aanay hore uga dhaxayn labadaa qof cadaawad noockasta oo ay tahay.

Garta noocaas ah ayaa loo yaqaanaa gar maslaxo, waana gar inta badan labada qof layskugu soo dhaweynayo oo lagu heshiisiinayo.


GARCADAAWE: Garcadaawe waa gar kasta oo dhex marta dad ay in badani colaadi ka dhaxaysay, colaadoodaas oo ahayd mid xidhiidh ah oo soo jireen ah.

Garta noocan ah laguma galo maslaxo waxaana loo maraa xeerkii ay hore uga lahaayeen.

Tusaale ahaan hadii uu u yaalay xeer ah in ninkii nin dila loo dilo waa loo dilaa iyada oo labada dhinacba ay ku qanacsan yihiin.

Garta noocan ah waxay u qaybsantaa laba qaybood:


Q GAR SHAREECO: waa gar Muslim sida magaca ka muuqada, waxaana lagu kala baxaa kitaabta eebe iyadoo la fiirinayo waxaanay inta badan gartani u baahataa markhaati iyo dhaar.


Q GAR XISDI: waa gar kamid ah gar shareeco, waa gar xaal laga bixiyo si aanu qofku u aargoosan.

Hadii qof lagu gafo oo xaal lasiiyo waa uu aargoosan karaa laakiin waa in la joojiyaa aargoosi.

Xeerbeegtidu waxay ahaayeen rag garniqida magac dheer ku yeeshay, rag la shirabay oo marka ay garta goynayaan ay isku midyihiin sokeeyaha, shisheeyaha oo aanay midnaba u eexan.


Garsoorkii hore ee soomalida maah-maahyihii uu ka dab qaadan jiray waxa kamid ahaa maahmaahdii caanka ahayd ee odhan jirtay (gaalka dil gartiisana sii).


Garsoornimadu waxay ahayd tilmaan ninka leh lagu amaani jiray marka lagu barto sidoo kale isaguna isku amaani jiray marka uu isku ogaado.


Garsoorayaashii garta soomalida ee qarnigii 19aad magaca dheer yeeshay waxa ka mid ahaa gabyaagii reer bariga ahaa ee Cali guray la odhan jiray.


Beribaa waxa la waydiiyey gabyaa ay isku deegaan ahaayeen Cali guray oo lagu yidhi rag intaad la shirtay ee aad sheekaysateen keebaa kuula sitay?  Isagoon jawaabtii meel fogba ka doon-doonin ayuu ku jawaabay 2meeris oo gabay ah oo ku amaanaayo Cali guray waxaanu yidhi:

v Gar lanaqo gudoon laysku Waco iyo gole la maageero

v Gun iyo toos nimaan gaal lahayn Cali guraan sheegay.

 

Sidoo kale gabyaagii caanka ahaa ee Cali jaamac haabiilayaa isagana waxa uu beri tiriyey gabay calaacal ah oo uu ugu calaacalayo geeridii Nin ay xigto ahaayeen oo la odhan jiray xirsi cilmi goonle.


Cali waxa uu gabayga ku sheegay 6 tuduc oo ku sheegaayo tilmaamihii wanaagsanaa ee xirsi cilmi goonle rag oo dhan uu dheeraa waxaana kamid ahaa tilmaamaha inu xirsi ahaa garyaqaan (xeerbeegti) dadka u garnaqa oo kala saarawaxaanu yidhi isagoo arintaas tilmaamaya:


*    Gar adkaatay xaajada guran guurti kala maagtay

*    Hadii geedka layskugu yimaado golaha waayeelka

*    Ninwaliba haduu gees damcoo giijo madaxiisa

*    Wax lawada  gorfeeyaba hadii laysla goyn waayo

*    Gaagaabsayaa iyo isagu geesi hadal yaaba

*    Gudoonkii lawada raaci jiray gocanayaa mooyi.

 

Waxa jiray marka garsoorka soomaalida laga sheekaynaayo Nin somalidoo dhami wada taqaan waa faarax sanwayne oo ay soomalidu inta badan ku garan ogtahay (Ina sanweyne).


Goor aan la sheegi Karin ayuu ku noolaa woqooyiga dalka somaliya waayihiisii iyo noloshiiba wax intaa dhaafsiisan lagama hayo.


Ina sanweyne wuxu ahaa garsoore aan weligiis gar uu naqay lagu durin ama lagu qabsan amase geedka lala tagay aan lagu gubin.


Waxa uu ahaa Nin aan waana eexo lagu xaman, taas waxa makhraati u ah oo lagu garan karaa inu Ina sanweyne ahaa ninkii lahaa odhaahda markii dambena maahmaahda noqotay ee ahayd (geri ilaah bay taqaan).


 Maahmaahdan oo ay taqaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay geyiga kaga noolyihiin iskamay imane waxay ku timid sheekadan aan idiiinka sheekayn doono.


Waxa la yidhi beri baa Nin waxa ka luntay hal uu aad u jeclaa baadi-doon farabadan kadib waxa ninkii loo sheegay in hashiisii ay ku jirto geela reer hebel ee kobtaa degan, ninkii aad ayaa uu ufarxay waxaanu yimid darkii iyo ceelkii  uu ka cabi jiray geelii loogu sheegay inay hashiisu ku jirto.


Isnabdaadin kadib waxa uu ninkii arkay hashiisii oo geela ku jirta dabadeed waxa uu ku yidhi ninkii geela lahaa waar ninyahow hashan Ayaan leeyahay inbadana waa ay iga maqnayd oo baadi ayaa ay ahayd waxaanan doonayaa inaan kexaysto ee sidaa ula soco, waxa uu ninkii geela lahaa ku yidhi ninkii hashu ka maqnayd ninyahow hashan anigaa leh orodoo iga tag.


Amakaag ayuu la wareeray ninkii hasha lahaa waxaanu u tegay niman geed ku shiraya oo ay tolwadaag yihiin ninka xooga hasha ku haysta waxaanu uga waramay hashiisii iyo ninka ku haysta.


Nimankii geedka ku shirayey waxay aad ugu baqanayeen ninka hasha haysta oo aad u qalafsanaa dad dilna ahaa waxaanay ku yidhaahdeen ninyahow hasha isagaa leh ee orodoo iskaga tag.


Mar labaad ayaa uu ninkii u tagay niman kale iyaguna sidii oo kale ayaa ay uga eexdeen ninkii hasha lahaa, markaas oo uu ninkii hashu ka maqnayd wuxu go’aan ku gaadhay inu ku quusto ninka layidhaahdo Ina sanweyne.


Markii ay isula yimaadeen Ina sanweyne ayaa ay u sheegeen doodoodii, ogsoonow ninkan hasha xooga ku haystaa wuxu qabaa Inna sanweyne walaashii, waxaanu islahaa maanta seedigaa wuu kuu eexan, laakiinse Ina sanweyne laguma baran eex.


Dhagaysi dheer kadib Waxa uu bilaabay inu gartii naqo waxa uu ka hormariyey afeef waxaanu yidhi nimanyahow gerri walaal, adeer, sodog, sodoh, xidid, xigaal midna mataqaan nimanyahow gerri ilaah bay taqaane, waxa uu kusoo gabo-gabeeyey oo uu hashii u xukumay ninkii hashu ka maqnayd.


Ninkii hasha loo xukumay ee xaqa u lahaa ayaa yidhi farxad iyo garsoorka cadaalada ah darteed ((walee Ina sanweynoow magacaaga waan fogayn).


Waxa layidhi ninkii hasha la siiyey oo isaguna gadaalkii noqday garyaqaan, xeerbeegti ah ayaa marka uu garta noqo ee uu gudoonka ku dhawaaqo wuxu odhan jiray oo halhays u ahayd (Ina sanweynana ugeeya).

Xeer-beegtida garta loo keeno waxay ahaan jirtay laba mid uun


1.     Mid degdeg ah oo aan geedka lagu naqo lagu gudoomin jiray oo lagaga dhawaaqi jiray.

Garta noocaas ah xeerbeegtidii somaliyeed  waxay odhan jireen ( jilib carro) waana gar inta badan ku saabsan xaajo kulul ama arin fool xun oo laga baqanaayo hadaan si degdeg ah wax looga qaban inay faraha ka baxdo oo ay wax ka daran dhasho.


2.     Mida labaad waxay ahayd gar aan degdeg ahayn oo mudo loo balamo dabadeedna waqti kadib lagudoomiyo.

Hadaba garta maslaxo waxa ay u kala baxdaa afar qaybood:


*    DUCO: garta waxa lagu bilaa bisinka iyo faataxada quraanka, sidoo kale garta waxa lagu bilaabaa laguna soo gabagabeeyaa duco.


Waxa ay xeerbeegtida soomalidu ay ku duceeyaan inta aanay gudo gelin garta (ilaahoow eexna ha nooga tegin aqoon darana ha nagu cadaabin), ducadaas oo aad ka dheehan karto sida ay xeerbeegtidii hore marwalba ay uga fogaayeen eex, qaraabo kiil iyo dhamaan waxyaabaha kale ee maanta jaahwareerka ku riday qaybaha kala gedisan ee garsoorka soomalida.


*    DIDIIF: didiif macneheedu waxa weeye in inta aan garta la gelin lakala samaysto afeef oo wax laysku sii ogaado.


Tusaale ahaan laba Nin ayaa gar isula yimid niman xeerbeegti ah dabadeed labadii nin ayaa la weydiiyey maku qanacsantihiin in gartiina sidaa lagu qaado, mid ragii kamid ah ayaa ku jawaabay aniga gartayda ma galaan saddex (nafci jiid, naasjiid, iyo lugjiid).


Nafci jiid: waa nin wax lasiiyo


Naasjiid: waa ninka la dhalay


Lugjiid: waa ninka gabadh ka qaba ee seediga loo yahay.


*    DACWI: dacwi waa qaybta ugu muhiimsan garta waa laysku dhagaysto labada nin oo midwalba wixiisa la dhuuxo.

 

*    MALUUG: maluug waxa layidhaahdaa waxkasta oo aad tuhunto laakiinse aanad cadayn u haynin.


Tusaale ahaan nindagaal idin dhexmaray colaadina idinka dhaxayso oo aad aragtay isagoo agtaada hub la marmaraya ma aduu kuu sitaa mise dan kale waa arin aanad xaqiijin Karin.


Hadaba maluugtu waa marka aad qofka aad ka shakido in uu adiga kuu danleeyahay laakiinse aanad xaqiijin Karin.

 

Hadaan dib umilicsano taariikhda garsoorkii hore ee soomalida bal aan kasoo amaahano gar ugub ahayd isla markaasna jilib caro loo aqoonsaday halkii lagu naqay lagu gudoomiyey (lagagana dhawaaqay) laguna fuliyey.

Gartan ayaa waxay ka dhacday meesha waamo layidhaahdo ee galbeedka webi ganaane hilaadii qarnigii 20aad guyaashii ugu horeeyey sida ku taal buuga magaciisu yahay (xeer soomaaligii hore) ee uu qoray garsoore Ali Axmed Gaab oo (Buraale) lagu naanaysi jiray waxaanu ka mid ahaa garsoorayaahii maxkabadii racfaanka ee dawladihii somaliya.


Waxa la yidhi beri baa barbaar somaliyeed ayaa gabadh aabaheed ka doonay markaas ayaa uu siiyey kadib markii uu soo dhameeyey yaradkii lagu balamay waana loo dhisay.


Hase ahaatee gabadhii cusbayd waxay qoonsatayba waxa ay bilawday inay ka cararto ninkii dhawaanahan loo dhisay markay muddo maqnaataba waa lagu soo celiyaa.


Maalintii dambe ayaa waxa gabadhii soo kexeeyey aabaheed oo ku yidhi ninkii qabay waxay gabadhaydu igaga furantahay haday mardambe kaa timaado inaan kuu soo celin (hadalka noocaas oo kale ahi waxa loo yaqaanay xilo dalaaq ama xilo fur).


muddo yar kadib markii odaygii uu dib ulaabtay  ee uu ka qarsoomay aqalkii ayaa uu ninkii gabadhii ku xidhay xadhig waxaanu ka soo laadlaadiyey udubka dhexe ee aqalkii dhawaanta uu ku aroosay, intaas markii ay dhacday ayaa gabadhii si cadho leh ugu tidhi ninkeedii ma marbaanan iska furi doonin xadhigan ?waligay ma saasaan u xidhnaanayaa?ninkii hadalkaa ay ku tidhi inta uu ka cadhooday ayaa iska soo jaray ablay(tooray) xiiraysa oo uu boqnaha kaga gooyey dabadeedna xadhigii ayuu ka furay oo ku yidhi ( hadaba iminka carar).


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...