Maxaa Ka Jira In Muuse Biixi Uu Shaqadii Wasaarada Maalgashiga Si Dadban Ugu Wareejiyey Sacad Cali Shire?
Hargeysa(HWN):-Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland oo xukuumada Muuse Biixi ka haya xilal kala duwan oo qaarkood uu ku sime ka yahay qaar kalana uu si dadban ula wareegay ayaa dhawaan magaalada Niarobi kaga qayb galay shir ka dhacay oo ku saabsanaa maalgashiga somaliland.

Ka dib markii uu shirkaasi dhamaaday ayaa warar hoose sheegeen in wasiir Sacad uu Muuse Biixi si dadban ugu wakiishay shaqadii ay qaabilsanayd wasaarada horumarinta maalgashigu.
Hadaba wasiirka horumarinta maalgashiga Maxamed Axmed Cawad ayaa ka hadlay wararka sheegaya in si dadban loogala wareegay shaqadii uu u xilsaarnaa.
Wasiir Cawad ayaa ka hadlay wararka sheegaya in si dadban looga wareejiyey shaqadii uu u xilsaarnaa waxanu yidhi "Maanta hadii uu wasiir Sacad shir ka qayb galay ma digreeto ayaa loogu soo saaray shaqadii wasaarada maalgashiga qabo oo heshiisyada maalgashi gal, wasiir Faratoonba wuu joogay ee maxaa loo eryan waayey.”ayuu yidhi Wasiirka cawad.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Safiirkeena Nairobi iyo masuuliyiinta kalaba waan kala shaqeeyey shirka oo waan tagay Nairobi waanan la waday hawsha macluumaadka ugu badan ee dadka loo bandhigayna anaga ayaa gudbinayey.”
Wasiir Cawad ayaa sidoo kale sheegay inuu shirkaasi kaga mashquulay hawlo kale oo Muuse Biixi u xilsaaray "Laakiin marka ay hawl kale oo muhiim ahi meel ka soo korodho oo madaxweynuhu yidhaahdo hawshaas kale soo qabo lagama maarmaan maaha inaan soo bandhigo hawlaha jira intaan warbaahinta tago laakiin umadu wax ayey xaq u leedahay inay ogaato.”ayuu yidhi wasiir Cawad oo la hadlay codka bariga Afrika Tv.


0 





