Mudaneyaal Nabadgalyada Ilaaliya !!!

0
Monday March 25, 2019 - 08:46:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaneyaal Nabadgalyada Ilaaliya !!!

    Waxa aad maqashaa kelmed wanaagsan oo hadba inta kuraasida fadhidaa aad u adeegsato oo ah nabadgalyada hala ilaaliyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aad maqashaa kelmed wanaagsan oo hadba inta kuraasida fadhidaa aad u adeegsato oo ah nabadgalyada hala ilaaliyo,
ma nabadgalyada ayaanu ilaalinaa mise kursiga ayaanu idin ku ilaalinaa !!!


Mudane Madaxwayne iyo Mudaneyaal " M. Goleyaasha Qaranka " waxa aad ogtihiin in mudanihii golaha guurtida ahaa ee la doortay 1997 kii ee mudo doorasheedkiisu ahayd 6 sano uu maanta fadhiyo 22 sanadood.



Waxa aad og tihiin in mudanihii/marwadii Golaha Wakiilada ee la doortay 2005 ee mudo doorasheedkoodu ahaa 5 sano ay fadhiyaan 15 sanadood oo inta ay mudo doorasheedkoodii dhamaysteen laba mudo doorasheed oo kale ku darsadeen.


Waxa aynu ogeyn in golayaashii deegaanada ee hore ay qaateen oo ay fadhiyeen laba mudo doorasheed halkii laga doortay mar kaliya 2002 ilaa 2012.


Waxa aynu ognahay in Madaxweynihii la doortay 2003 ee xili doorasheedkiisu ahaa 5 sano uu ka talada dalka ka dagay 2010 oo aad garan kartaan inta uu mudo dhaafay.


Waxa aynu ognahay in Madaxweynihii ku xigay ee la doortay 2010 oo xili doorasheedkiisu ahaa 5 sano uu talada dalka ka dagay 2017 oo aad isagana garan kartaan inta uu mudo dhaafay.


Waxa aynu ognahay in goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada Somaliland ee xiligan fadhiya la doortay sanadkii 2012 kii ilaa maantantana ay fadhiyaan oo aad garan kartaan inta ay fadhiyaan iyo mudo dhaafkooda.


Maanta aduunyada aynu ku noolahay waxa aynu ognahay in lagu kala badbaadayo ama horumar iyo xuqaaqaadka dadku leeyihiin lagu gaadhi karo iyada oo la fuliyo waxii ay umaduhu ku heshiiyeen.


Waxa aan shaki inagaga jirin in horumku seeskiisu aanu ahayn daaro iyo dugsiyo la dhiso ee ay tahay sidee dadku u kala badbaadayaan ee qofwaliba mabsuud ugu noqon karaa dawladnima una arki karaa in ay dan u tahay?


Taasi waxa ay ku imanaysaa sida ay ila tahay qodobadan;

▪In Nabadgalyo la helo wax kasta oo suuragalin kara in ay burburtana laga hortago sida;

1- Sharciyada iyo nidaamkii lagu heshiiyey ee la isku aaminay oo aan loo raacin sidii la iskula gartay.

2- In laga ilaaliyo cadaw kasta oo dibadeed oo duulimaad ku ah xasiloonida iyo nabadgalyada dalka.

Qodobka 1aad;

- Hadii aan umadu dhaqan galin oo hirgalin waxii ay ku heshiisay ee la isku aaminay oo shuruuc iyo nidaam ahaa , waxa imanaysa kalsooni daro , kala shaki iyo in aan dadku dawladnimada u arag mid danahooga wada .

- Damaca siyaasiga ahi waa xuquuq ay leeyihiin muwaadiniintu , waana kuwa ugu waaweyn ee ay dawladuhu ku dumaan dadku iyaga oo xuquuqaadka kale oo dhan helaya hadii ay waayaan , sababtuna waxa ay tahay inta ay qofka ku jirto rajo uu wax ku badali karaa ma qaato ficil ku kalifaya in uu dagaalamo ama dumiyo waxa jira.

Qodobka 2aad;

- Isagu waa mid guud oo ka soo horjeeda dawladnimadaada iyo jiritaanka umadaada oo dibada kaaga yimaada , lagamana yaabo in uu kaa guulaysto hadii aad gufayso goldaloolooyinka lagaa heli karo oo dhan dibad iyo gudaba.

( Marka ay sidaa tahay hadii ay doonaan inta maalinba kuraasida fadhidaa in ay dadka ku yidhaahdaan nabadgalyada ilaaliya, waxa aanu leenahay nabadgalyada ilaaliya oo ka kaca kuraasida. )


Haddaba hadii aan u soo noqdo ujeedadayda iyo halka aan u socdo Somaliland waxa ay yeelatay dastuur mudo laga joogo 18 sanadood 31-May-2001, dastuurkaasi oo ay dadku ku heshiiyeen una codeeyeen oo ay ogolaadeen 97%


Dastuurka dalku qaatay waxa la xasuustaa maalinta dan doorasho jirto , 130 qodob ayuu ka kooban yahay oo aan lahayn mid aad ku diido laakiin kuma shaqeyno kumana dhaqano, xeerarka la sameeyo ee ka dheegma dastuurkuna waa kuwa dan markaa joogta lagu qiyaaso intooda badani oo aan looga fikirin si qoto dheer oo mustaqbal umadeed ah.


Arimahani waa kuwa keenay in ay su'aalo ka yimaadaan in dastuurka wax la iska weydiiyo, oo la yidhaahdo malaha isaga ayaa qalooca , dabcan qaladaad wuu ku jiri karaa oo waa wax binu adam sameeyay hayeeshee waxa aan is leeyahay hadii sidiisa loogu dhaqmayo oo aan xeerarkana lagu fadhiisin dano gaaban oo cidi wadato ama wakhtigaasi oo kaliya taagan wuu ina wadayaa in badan.


Dulucda iyo halka aan danta u leeyahay waa nidaamka doorashooyinka dalka jamhuuriyada Somaliland oo jiitan iyo mudo dhaaf ku socda 18 kaa sanadoodba , oo xal iyo odayeyn la garab wado markii loo fulin waayey waxii lagu heshiiyey sidii uu ahaa.


Xal iyo sharciga oo laga odayeeyaa hadii ay in badan ina soo saaciday maaha mid ina wadaysa , waxa aanay inagu keeni kartaa burbur Alle inaguma keeno e , oo hadii maalinba inta kuraasta fadhida ay la soo taagnaato nabadgalyada ilaali , dee waxa imanaysa adigu ilaali oo dadka u banee meesha oo nidaamkii lagu imanayey fuli.


Maanta waxa aan saluugay sida uu uga hadlay iyo inta yar ee uu kaga hadlay doorashooyinka dalka oo ah halbawlaha nidaamka iyo xasiloonida dawladnimo ee dal leeyahay oo hadii la hagaajiyona dalkaasi horumarayo oo hagaagayo , hadii la hagaajin waayona halisteeda leh.


Waxaana uu ka yidhi Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland intan halka hoose ku qoran;

1.6. Doorashooyinka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku.

@Muhamed Dhimbiil

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...