Mid Ka Mid Ah Culimada Waweyn Ee Soomaalida Oo Raali Galin Siiyay Haweenka Soomaaliyed

0
Thursday November 28, 2019 - 18:33:00 in News by
  • Visits: 2178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Ka Mid Ah Culimada Waweyn Ee Soomaalida Oo Raali Galin Siiyay Haweenka Soomaaliyed

    Mid Ka Mid Ah Culimada Waweyn Ee Soomaalida Oo Raali Galin Siiyay Haweenka Soomaaliyed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid Ka Mid Ah Culimada Waweyn Ee Soomaalida Oo Raali Galin Siiyay Haweenka Soomaaliyed

Hargeysa(HWN):-Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsaday muuqaal laga duubay Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah cullimada Soomaalida.

Muuqaalkan oo uu Sheekha kaga hadlay ahmiyada guurka uuu leedahay dumarka ayaa waxaa uu ku sheegay in dumarka oo guurka ka daaho aysan wax faaido ah lahayn, loona baahan yahay in ay yaraanta ku guursadaan.


"Shahaadada PHD waxaad qaadaneysaa 35 sano iyo wixii ka sareeaya, Ilaahay ban kugu dhaariyee gabadha 35 sano gaadhay markaas haday shahaadada PHD qaadato isla maalinka xiga shaqo ma heleysaa? PHD shaqa lagu ma helo", ayuu yiri Sheekh Kenyaawi.

Waxaa kale oo uu sheegay in waxbarashada intaa la eg ay wakhtiga kaa lumiso gabahdha.



"Gabar afartan sano jirta oo hadana wadata shahaadada PHD, kan guursanayo waa kee? sababtoo ah gabadhan raaliyad noqon meyso, kan guursanaya waa wadaad misaajidka Qur'aanka kasoo barta oo xerow ah waaye", ayuu raaciyay Sheekha.


Wuxuu intaa ku daray in gabdhaha leh aqoonta heerkaas gaarsiisan ay iyagu dadka ku xiraan shuruudo, si loo guursado.

"Naa afartan sano ayaad jirtaa waxba kugu ma harinee, wakhtigana waa ka tagayaaye, qofyahee ma kuu daneeyaa? Hal iyo laba inta kugu hartay ma kaa soo saaraa?", ayuu sii raaciyay.


Qaar kamid ah bulshada Soomaalida gaar ahan dumarka ayaa dhibsaday hadalka Sheekh Kenyawi, iyagoona ku tilmaamay hadal meel ka dhac ku ah dumarka Soomaalida.

.

"Haloo sheego Sheekh Kenyaawi tacliintu in aysan ahayn curyaamin, balse ay tahay waajib diini ah oo dhamaan Muslimiinta rag iyo dumarba saaran, ummahaatul mu'miniin, maamada ugu sharafta bandeyd, Khadiija waxay ahayd 40 sano jir marka ay marwo u noqotay Nebi Muxamed (NNKH)", ayay barteeda twiter-ka ku qorta Zakia Xusseen oo ah taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya.


Gabar kale oo magaceeda ku sheegtay Anisa Diiriye ayaa iyaduna barteeda kusoo qortay "Waxa loo dig iyo dam leeyahay guur ma ahan waa saqiir juujis iyo in la ceejiyo 18 jir. Qodobka labaad wiilasheenu diinta haweenka keliya miyey ma sheekeeysaa, Sheekh kasta gabadh iyo guri ayuu ka waramayaaa".

Hasayeeshee BBC-da oo la xiriirtay Sheekh Kenyawi ayaa sheegay in si khaldan loo baahiyay muuqaaalkii laga duubay oo qeyb yar oo kamid ah laga soo qaatay khudbadii uu jeediyay oo gaareysa saacad, balse waxa uu dalbaday in loo cudur daaro.


"Hadalka sidii la rabay haddii aanan u dhigin hala ii cudur daaro, bani'aadamka waa khaldami karaa, bani'aadamka waa gefi karaa, ma khaldame waa Alle SWT, hadalkeyga runtii waa la kala jarjaray, qaar ba hadaladii xumeeyay, waana idin cafiyay, hala i cafiyo, waana ka xumaha, waan ka cudur daaranayaa, markale soo noqon meyso", ayuu Sheekh Kenyawi u sheegay BBC-da.


Hadalka Sheekh Kenyaawi ayaa kusoo aaday toddobaad un kadib markii isla Sheekh kale oo Soomaaliyeed Sheekh Saciid Rasge uu shegay in inta badan dadka Afrikaan-Amerikaanka ah ee ku nool dalka Mareykanka aysan garaneyn aabayaashood.

Dad badan oo arrintaas dhibsaday ayaa sheegay in hadalkaas ay u fahmeen in uu ula jeedo in ay yihiin dad garac ah oo aan garaneyn aabihii ka dhalay hooyadood.


 

Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...