Beesha Caalamka Oo Warsaxaafadeed Kasoo Saartay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dowladda Federalka Iyo Dowlad Goboleedyada
Beesha Caalamka Oo Warsaxaafadeed Kasoo Saartay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dowladda Federalka Iyo Dowlad Goboleedyada
Daneenayaasha Soomaaliya waxay dhiirrigeliyeen wada shaqayn buuxda oo dhex marta dowlad federalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, si loo gaaro doorashooyin ku dhaca si nabad ah, xor ah, caddaalad ah, hufan oo la isku halleyn karo.
Hargeysa(HWN):- Beesha caalamka ayaa ugu baaqday
hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay abuuraan is-afgarad siyaasadeed oo suurto
galinaya in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo sanadka 2020-ka.
Midowga Afrika, EU, UN iyo
Mareykanka oo ah saaxiibada dhow ee soomaaliya waxay soo dhoweeyeen shirkii
dhowaan dhex maray Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore,
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif.
Waxay sidoo kale soo dhoweeyeen wada-tashiyada u
dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo inka badan 50 xisbi siyaasadeed, taasoo ah
tallaabo wanaagsan oo lagu dhiirrigelinayo wadahadal loo dhan yahay ka hor
doorashada 2020-ka.
Daneenayaasha Soomaaliya waxay dhiirrigeliyeen wada shaqayn buuxda oo dhex marta dowlad federalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, si loo gaaro doorashooyin ku dhaca si nabad ah, xor ah, caddaalad ah, hufan oo la isku halleyn karo.
Muqdisho/office
Hadhwanaagnews
Loading...
Loading...