Olele Nadaafadeed

0
Monday March 25, 2019 - 08:10:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olele Nadaafadeed

    Waa in moyarka caasimada hargeisa iyadoo waqtigoodi doorasho gabagaba uu yahay waa in uu iclaamiyaa olole nadaafadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa in moyarka caasimada hargeisa iyadoo waqtigoodi doorasho gabagaba uu yahay waa in uu iclaamiyaa olole nadaafadeed

ka hor xili roobaadka qashinka buux dhaafiyey saaqiyadaha dump site naasa hablood ee caasimada oo keeni kara caafimaad daro iyo burbur guryaha dhiska

Waxa aan marna la hilmaami karayn wadooyinka xidhan ee caasimada qashinka buux dhaafiyey wadooyinka burburay waqtiga xili roobaadka iyo foolxumada ku gadaamanquruxdii ay lahayd caasimada hargeisa waxa u fiican in moyarka caasimada hargeisa uu si dhaqso ah uu isku casilo si bulshada ku nool hargeisa ay soo doortaan aqoonyahanmasuul ah oo buuxin kara xilka moyarnimada caasimada hargeisa

Moyarka caasimada hargeisa oo ku fashilmay qorshaha nadaafada caasimada iyo shirkadaha oo kula jira dawlada hoose heshiis qarsoodi ah

u dhaafay boqolaal caruura kuwaas oo kasoo jeeda qoysaska ag degan deeganka agagaarka naaso hablood dump sites waxaan meesha ka maqnayn cuntooyin iyo daawooyin dhacay qashinka sunta warshadaha pharmasiyadacusbitaalada eeg fadlan waxyeeladaashalista caafimaad daro

Dumsites ceespollgoobaha qashin qubka qashinka bulaacadaha oo ay dhaaftay qorshahii magaalooyinka dhiska iyo deeganka godadkii loogu talo galay oo buuxsamay hada qashinkii oo dul iyo hareero hoganaaya buuraha hareeraha biyo mareenada ur fayadhowr xumo dul hoganaysamaamulada dawlada hoose ma jiro qorshe waxqabad iyadoo xili roobadka ay qarka u saaran yahiin halis caafimaad oo ka timaada waxyeelada qashinkaas

Waxa si khaldan loo maamulay qashin qaadistii iyo shirkadihii oo aan aqoon u lahayn ujeedada qashin ururinta iyo waxyeelada caafimaad daro ee ka iman karta oo u baahan in la darso

Xogta heerka waxqabad ee shirkadaha maaraynta qashinka magaaloyinka iyo fahan aqoon la anta dawlada hoose ee dalku ujeedada iyo hatafka ka dambeeya mashruuca ppp public private partnership ee maraaynta qashinka shirkadaha iyo dawlada hoose

2005 ayey ahayd markiimashruucan lagaga wareejiyey dawlada hoose ee dalka ujeedadu ma aha in qashinka laga saaro caasimada laguna daadiyo meel ka fogmagaalada

Sida uu dhigayo heshiiska shirkadaha qashinka lagu wareejiyey in ay dardar galiyaan shaqadooda nadaafadeed ilaa heer ay kor u qaadayan horumarkooda dhaqaale si loo abuuro nidaam heerqashinka looga faaidaysanayo oo leh shaqo abuur baahsan iyagoo raacaya kuna dhaqmaya sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka qashinka

Si loo sameeyo goobaha weelka qashinka dustpin ee jidadka caasimada in lagu wacyi galiyo loona sheego bulshada in aan qashin lagu tuurin meel aan loogu talo galin

Sidoo kale in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galaan shirkadaha la wareegay maaraynta qashinka magaaloyinka hawshooda shaqo ee lagu siiyey qandaraaska shirkadii kazoo bixi waydashaqadeeda in maamulka dawlada hoose ay badaalan una soo bandhigaan qaadashoshirkado buuxinaya qodobada heeshiisku dhigayo ma aha in ay heshiis xaaran iyo laalush shaqo ay ku heshiiyan moyarada dalka iyo maamuladashirkadaha

Waxa suurto gashay in dhaqaale abuur xoogan uu ka soo xaroodo dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalkaoo shirkadaha ay ku bixiyaan guri kasta 5 doolar oo ah kharashka qaadista qashinka

Ma jirto horumarxirfad aqooneed oo ay la yimaadeen maamulka shirkadaha maaraynta qashinka sidoo kale waxa qashinka lagu ururiyaa gaadiid daalay oo aan la isku halayn karayn badbaado iyo km socod

Gadiidkas oo u badangawaadhi dhayne ah af banana xiliga qashin rarista qashinkaas oo ku daata jidadka caasimadaha dalka

Ma jirto daryeel caafimaad oo lagula socdo caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala shirkadaha oo la siiyo mushahar aan ugu filnayn shaqada qashinka ururinya ma jirto toosin iyo tusaale caafimaad sida ay uga badbaadi lahaayeen qashinka iyo howlihiisa shaqo ama qalab shirkaduhu ay u siiyanin ay ka xidhaan waxyeelada caafiimad ee qashin ururinta

Shirkadaha waxa ku soo xarooda dhaqaale kor u dhaafay milon dollar oo dadwaynahu ay kaga qayb qaatanqashin ururinta magaaloyinka dalka ma jirto hubin xisaabin waxqabad ee dakhligaas

Qashinka cusbitaalada iyo pharmasiyada qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo loo baahan yahay in loo maamulo sifo sharci oo gaara waxa si fudud loogu dhex daray qashinkii caadiga ahaa ee kazoo baxayey magaaloyinka dalka waxa dhacay sumow iyo halis waxyeelo caafimaad ee bulshada iyo deegaanka waxa dhacda in qashinkaas marmarka qaar lagu dhex gubo goobaha qashin qubka ee dump sites oo hada ay dhaafeen dhiskii iyo deegaankii magaaloyinka dalka

Qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo aan loo maamulin nidaam taxadir sharci fayadhowr waxa uu sababaa in daadka biyaha roobka ay soo raacdo suntu oo ay biyahi si toos ah ugu dhacaan ceelasha iyo harooyinka aynu ka helo biyaha aynu isticmaalo khatartan caafiimad waxay dhaxalsiisay in ay soo gaadho bulshadii cuduro sababacaafimaad daro iyo dhimasho xoogan

Foostooyinka suntan warshadaha laga isticmaalay oo aad ku arkaysid magaaloyinka dalka iyagoo biyo keydin cabisama dhiska guryaha loo isticmaalayofahan la an ka haysata bulshada danyarta dadka aan haysan dhaqaale lacageed oo ay ku bixiyaan qashin qaadista guryahoodu waxa si fudud ugu daadiyaan jidadka iyo biyo mareenada caasimada oo keeni kara fayadhowr xumo iyo dhibaato deegan xumo

Waxa sidoo kale ama dhacda in qashinka ay ku gubaan meel aan ka fogayn guryahooda ma jiro qorshe hoos loogu eego arimahaas ilaa moyarada dalka

Waxaad aragtaanqashinka oo daadsan jidadka caasimada waqti ay bulshadii adeeganayaa kuna guda jiraan shaqooyinkoodi gaarkaoo subaxnimo ma jirto la xisaabtan iyo maamul dawladeed oo ku wajahan dhaliisha shaqo ee shirkadaha

Waxa meesha ka baxdaywada shaqaynta shirkadaha iyo qaybahaarimaha bulshada si loohorumariyo qurxinta bilicda iyo nadaafada jidadka caasimada ma jirtowacyi galin fayadhawr ee shacbiga

Waxaad arkaysa iyadoo 9 fiidnimo ay qaadayaan bulaacadahabooyadaha waqtiyo caways ah oo dadku ay ku guda jiraan shaqooyinkoodi gadiidka booyadaha oo aanay dawlada hoose la socon waqtiga ay qaadayan iyo goobta ay gaynayaan

Waxa kale oo aad arkaysa isla 9 fiidnimo huteelada cuntada oo biyahii wasakhda ee kaydka ahaa ku daadinaya jidadkacaasimada iyadoo aanay jirin qorshe fayadhowr oo lagula socdo shaqadoodagaarka ah

WQ: Dr Buux

Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]

0634130821


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...