Ex Wasiir Yuusuf Garaad Oo ka Hadlay Gadoodka Ay Samaynayaan Ciidamada Soomaaliya Ee Mushaharka Dalbanaya

0
Monday March 25, 2019 - 06:54:35 in News by
  • Visits: 2102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Wasiir Yuusuf Garaad Oo ka Hadlay Gadoodka Ay Samaynayaan Ciidamada Soomaaliya Ee Mushaharka Dalbanaya

    Yuusuf Garaad Oo Ka Digay In Hab Qabiil Loo Adeegsado Gadoodka Ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yuusuf Garaad Oo Ka Digay In Hab Qabiil Loo Adeegsado Gadoodka Ciidamada


Muqdisho(HWN):-Wasiirkii hore ee arimaha dibada dawlada federaalka ah ee soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay gadoodka ay samaynayaan qaar ka mid ah ciidamada soomaaliya.




Ex wasiir Yuusuf Garaad waxa uu ka digay in hab qabiil loo adeegsado gadoodka ay samaynayaan ciidamada dalbanaya in mushaharkooda la siiyo, waxaanu qoraal uu soo saaray ku yidhi :-


Shakhsiyaadka ujeeddada gurracan ee isku dayaya in ay qabiileeyaan gadoodka xubnaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaarkood ee dalbaya mushaarkeedu, ha ka dhowrsadeen kala fogeynta Soomaalida.


Haddii aad mas'uul tahay, caddee in askariga gadoodsani uu mushaar iyo saanad qaatay.


Haddii kale, caddee in muwaaddinkan doodayaa aanuu ahayn askari dowladeed.

Labadaa su'aalood ayaa meesha yaalla ee laguma weydiin askarigu qabiilka uu yahay.


"Qofkii dabayl abuurtaa wuxuu gurtaa duufaan" waa Maahmaah Faransiis ah.

 

Loading...
Loading...