Maxaa Laga Filayaa Natiijada Baadhistii Lagu Waday In Ololihii Madaxweyne Donald Trump Uu Xidhiidh La Lahaa Ruushka?

0
Monday March 25, 2019 - 06:51:03 in News by
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Laga Filayaa Natiijada Baadhistii Lagu Waday In Ololihii Madaxweyne Donald Trump Uu Xidhiidh La Lahaa Ruushka?

    Robert Mueller Oo Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Maraykanka U Gudbinaya Natiijada Baadhist

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Robert Mueller Oo Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Maraykanka U Gudbinaya Natiijada Baadhist

Aqalka sare ee Mareykanka ayaa ka dhursugaya warbixinta Robert Mueller ee ku aaddan ololihii Trump iyo Ruushka, iyadoo la filayo inuu maanta warbixin ka soo saaro.




Robert Mueller ayaa loo xil saaray baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya olihii madaxtinnimada madaxweyne Trump iyo Ruushka.


Warbixintan oo muddo labo sano ah la sugayay ayaa Jimcihii loo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee William Barr.


Sarkaal ka tirsan waaxda caddaaladda ayaa sheegay in warbixintu aysan ku jirin eedeymo cusub.


Muddadii uu baaritaanka socday, Mr Mueller iyo kooxdiisa ayaa dacwado ku soo oogay 34 qof - oo ay ku jiraan lix ka tirsan shaqaalaha Trump iyo shakhsiyaad Ruushka u dhashay - iyo sidoo kale saddex shirkadood.


Eedeymahaas ayaanan si toos ah u quseynin ololihii madaxtinnimada ee Trump iyo xukuumadda Moscow - oo uu madaxweyne Trump mar walba beenin jiray.


Mr Mueller ayaa la sheegay inuu sidoo kale baaritaan ku sameeyay in Trump uu meel uga dhacay sharciga oo uu hor istaagay baatritaan ay FBI-da ku wadday xiriirka u dhaxeeya ololihiisii iyo Ruushka.


Weli ma cadda inta ay la ektahay xogta ku jirta warbixinta ee bulshada lala wadaagi doono. Mr Barr ayaa go`aansan doona sidoo kale xogta lala wadaagayo aqalka sare.


Mr Barr, oo uu magacaabay Trump, ayaa madaxda aqalka sare u sheegay Jimcihii inuu yahay qof aanan dhinac ahayn.


'Daawo oo sug'

Mr Barr ayaa shalay sagaal saacadood ku qaatay waaxda caddaaladda. Madaxweynaha ayaa dhanka kale aaday hoteelkiisa ku yaalla Florida, ee Mar-a-Lago, halkaas oo uu ka qadeeyay waqtina ku qaatay.



Beryahanba wuu ka aamusnaa baraha bulshada, kumana uusan sheegin in warbixintii Mueller la soo gudbiyay.


Maxaa laga yeeli doonaa warbixinta Mueller?

Sida sharciga ah, ma jiro wax xeer-ilaaliyaha guud ku qasbaya inuu warbixinta la wadaago bulshada, xogta uu la wadaagayo aqalka sarena waxay noqon kartaa mid kooban, balse wuxuu hore u sheegay inuu la wdaaagi doono inta uu awoodo.

 




Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...