Mujaahid Cabdi Ibraahim Iyo Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Ka Xidhnaa Oo La Sii Daayay, Kanna Hadlay Darreenkoodda

0
Wednesday November 27, 2019 - 02:31:15 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Cabdi Ibraahim Iyo Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Ka Xidhnaa Oo La Sii Daayay, Kanna Hadlay Darreenkoodda

    Mujaahid Cabdi Ibraahim Iyo Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Ka Xidhnaa Oo La Sii Daayay, Kanna Hadlay Darreenkoodda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahid Cabdi Ibraahim Iyo Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Ka Xidhnaa Oo La Sii Daayay, Kanna Hadlay Darreenkoodda
Kampalla(HWN):-Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka Xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun iyo Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle ayaa caawa fiidkii dib u helay Xorriyaddoodii, kadib markii Xukuumadda Madaxweyne Biixi Xabsiga dhigtay 17-kii bishan 11-aad ee 2019-ka, ayaa gelinkii dambe ee Salaasada maanta xorriyaddooda dib u helay, isla markaana lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.


Sidoo kale, Ergo isugu jirta Culimo, Ganacsato iyo Madax-dhaqameed oo isu xil-qaamay deminta khilaafka u dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa iyaguna gelinkii hore ee Salaasada sheegay inay Madaxweynaha la kulmeen, ka dibna uu ka aqbalay ergada, isla markaana ay ku qanciyeen inuu sii daayo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee qaabka siyaasadeed Xukuumaddu u xidhay, taasoo ay sheegeen inuu la qaatay amma ka aqbalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle oo ka mid ahaa Mujaahidiintii dib u xorraynta dalka ee SNM, isla markaanna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u bixiyay Kalmadda caan-baxday ee "Ila meerrayso", ayaa ka hadlay darreenkiisa ku aaddan Xorriyaddii sharci-darada lagaga qaadday ee ay dib u helleen, waxaannu yidhi

"Ma daallayno, manna dakaamayno, waxaannu leennahay u dhaqaajin maynee Fullaha noosha ka adkaysta. Waa in la hellaa Xukuumad loo siman yahay oo waddaaga, waa in aynnu darka ka riixnaa Xukuumadda Ila meerrayso, waxaannu leennahay Ila meerraysaddii way dhammaataye macmiil haka dhiggan" Sidaa waxa yidhi Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle.

Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo isagunna halkaas ka hadlay waxa uu Mahad-naq balaadhan u jeeddiyay Madaxda Xisbiga WADDANI, taageerayaasha Xisbigaas iyo cidkastoo ka qayb-qaadatay sii dayntoodda.

Xoghayaha guud ee Xisbigaas WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlaayay munaasibaddaas soo dhawaynta ah ee taageerayaasha iyo Madaxda Xisbigu u sameeyeen, ayaa waxa uu yidhi "Waan ku faraxsanahay soo dhawaynta aad noo samayseen. Runtii caawa waxaannu darreemaynaa Farxad aad u wayn, waxa noo muuqata inaanu dad leennahay. Waxaan u mahadnaqayaa Culimaddii iyo Ganacsataddii isku xil-qaantay sidii aannu uga soo bixi lahayn Xabsiga. Annaga waa nala xidhay, laakiin Xadhigayagii mar kale ayaannu si fiican uga hadli doonnaa, balse imika waxaan jecelahay inaan u mahadnaqo guud ahaan shacabka Somaliland ee Xuma-diidka ah, ee Xadhig diidka ah, ee Cuqdad diidka ah, si gaarrana Haweenka iyo dhalinyaradda halgammaayay intii aanu xidhnayn waan u mahad-naqayaa." Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI.

Kampalla, Uganda
Hadhwanaagnews, Office

Loading...
Loading...