Xoghaye Axmed Safiina Oo Soo Bandhigay Muhiimada Ay Leedahay Wasaarad Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Soo Jeediyey Inuu Aas Aaso

0
Monday March 25, 2019 - 06:38:33 in News by
  • Visits: 3264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghaye Axmed Safiina Oo Soo Bandhigay Muhiimada Ay Leedahay Wasaarad Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Soo Jeediyey Inuu Aas Aaso

    Xoghaye Axmed Safiina Oo Soo Bandhigay Muhiimada Ay Leedahay Wasaarad Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Soo Jeediyey Inuu Aas Aaso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghaye Axmed Safiina Oo Soo Bandhigay Muhiimada Ay Leedahay Wasaarad Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Soo Jeediyey Inuu Aas Aaso

Hargeysa(HWN):-Xoghayaha xidhiidhka wadamada carabta iyo dawladaha islaamka ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Safiina ayaa madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyey muhiimada ay leedahay inuu soo kordhiyo wasaarad gaar u ah xoolaha.




Amb Axmed Safiina ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews waxa uu ku soo bandhigay muhiimada ay leedahay wasaarada uu madaxweynaha u soo jeediyey inuu soo kordhiyo, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-


Dalkeena sanad kii waxa laga dhoofin jiray ku dhawaad 2,750,000 oo adhi ah + 750,000 oo geel ah + 500,000 oo Lo ah = 4,000,000 oo neef dhamaan tood waa lab oo dhadig ma'aha waana markii ay dakada iyo maxjarada Berbera u furnaayeen xoolo dhoofinta.

Xoolaheenu marakay magaalada berbera soo gaadhaan waxa neefka adiga ah ku baxa 12$, Neefka geela ahna waxa ku baxa 55$, Neefka Lo'da ahna waxa ku baxa 35$, lacag taas oo kukala baxda kharashka xeroolaha berbera, maxjarka, cashuurta dawlada, iyo xamaaliga degakada berbera.

Totalka Adiga = 12×2,750,000=33,000,000$
Totalka Geela = 55 × 750,000=41,250,000$
Totalka Lo'da = 35 × 500,000=17,500,000$
Marka laysu geeyo waa lacag adag oo dhan 91.750.000 Dollar hada waa kharash iyo cashuur berbera oo kaliya, cashuurhii gobalada kale dilaaliintii iyo lacagta iibka neefku way idiin hadhay.

Xaga iibka wakhtiga carafada sicirka neefka Adiga ah wuxuu gaadhaa 80$ geeluna 400$ Lo'duna 350$ iibkaa sicirka xooluhu wuu dhaafaa wuuna ka yaraadaa.
Totalka Adiga= 80×2,750,000=220,000,000$
Totalka Geela = 400× 750,000=300,000,000$
Totalka Lo'da = 350×500,000=175,000,000$
Tootalka iibka = 695,000,000 Dollar.

Tootalka guud = 91,750,000 + 695,000,000 = 786,000,000 Dollar Waa todoba boqol iyo lix iyo sideetan MILYAN oo dollar sxb xoola dhoofinta ciyaar ciyaar iyo meel fudud hamoodin, xoolahaasu waxay kakala yimaadaan 1- %30 gobalada Somaliland 2- %30 Gobalada dhexe ee somalia 3- %40 gobalada Dawlad Deegaanka Somalida.

Ilaa shalay dad badan waxay is waydiinayeen waxa aan uga jeedo WASAARADA XOOLO DHOFINTA een uga saaray wasaarada xanaanada xoolaha.

Dawlad kasta oo dunida kamid ah waxa ay gaar u dhoofiso ama dhaqaale xoogan ka soo galo ayay u sameeyaan wasaarad u gaar ah, tusaale ahaan; dawladaha PATROL ka soosaara ee dhoofiya waxa ay gooni u magacaabaan wasaarada PATROL ka iyagoo leh wasaarada macdata.

Dawladii Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare waxa ay lahaan jirtay wakaalada xoolo dhoofinta oo ka madax banaanayd wasaarada xanaanada xoolaha waxana maareeye ka ahaa Raysal wasaarihii labaad ee dawladii Madaxwayne Xassan sheekh maxamuud waa (Dr.Cabdiwali Sheekh Ahmed) oo wakhtigaa ahaa nin dhalin yaro ah, waliba wakhtigaa xoolo dhoofintu gaarka ahayd xoolaha maanta la dhoofiyo ayaa aad iyo aad ayay uga badan, xoolahaasuna imika waxay ka dhoofaan dakada Jabuuti.

Kadin markaan arkay :- Wakhtigan oo maxjarada xooliha la firay, Xoolaha la dhoofinayaa ay badateen, Loona baahan yahay suuq gaynta xoolaha ee sayladaha dunida, Dakadii barberina ay xidhan tahay, Dayac wayna ka muuqdo maxjarada, arimahaas is huwan aw good ayaa curiyay TALO NO 1:- oo ahayd Aasaasida
WASAARADA XOOLA DHOOFINTA.
Iyo kala qaadka wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga.

Inshaa alaah maqaalka kan xiga waxa aan ku sharixi doonaa dayaca aanay cidi dareen sanayn ee ka jira wadsaarada xanaanada xoolaha.

Alaa mahad leh.Amb Ahmed Safiina

Loading...
Loading...