Ergadii Dhex-dhexaadinta Oo Ku Guulaystay Inay Taliska Muuse Ka Soo Daayaan Masuuliyiintii WADDANI Iyo Mujaahid Cabdi Ibraahin

0
Tuesday November 26, 2019 - 16:40:16 in News by
  • Visits: 5022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergadii Dhex-dhexaadinta Oo Ku Guulaystay Inay Taliska Muuse Ka Soo Daayaan Masuuliyiintii WADDANI Iyo Mujaahid Cabdi Ibraahin

    Ergadii Dhex Dhexaadinta Oo Ku Guulaystay Inay Taliska Muuse Ka Soo Daayaan Masuuliyiintii Waddani Iyo Oday Cabdi Ibraahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergadii Dhex Dhexaadinta Oo Ku Guulaystay Inay Taliska Muuse Ka Soo Daayaan Masuuliyiintii Waddani Iyo Oday Cabdi Ibraahin


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa dib xoriyadoodii ugu soo celisay xoghayihii guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo afhayeenkii xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun.

Natiijada sawirka war deg deg ah


Sidoo kale xukuumada ayaa xoriyadiisa u soo celisay oday Cabdi Ibraahin Cabdile oo isaguna la xidhnaa masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.


Sii daynta masuuliyiinta ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Oday Cabdi Ibraahin ayaa ka dambaysay ka dib markii uu Kornayl Muuse Biixi aqbalay dhex dhexaadin ay hogaaminayaan ganacsatada somaliland oo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya xukuumada iyo x isbiyada mucaaridka ah ee dalka.


Masuuliyiintan ka tirsan xisbiga Waddani iyo Oday Cabdi Ibraahin ayaa ka mid noqonaya boqolaalka qof ee xabsiyada dalka u galay fikradahooda ay kaga soo horjeedaan taliska Muuse Biixi.

Loading...
Loading...