Shuruud Xisbiga Waddani Ku Xidhay Wada Hadal Dhexmara Muuse Biixi Oo Maanta Kornaylku Fulinayo

0
Tuesday November 26, 2019 - 16:02:35 in News by
  • Visits: 4321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shuruud Xisbiga Waddani Ku Xidhay Wada Hadal Dhexmara Muuse Biixi Oo Maanta Kornaylku Fulinayo

    Shuruud Xisbiga Waddani Ku Xidhay Wada Hadal Dhexmara Muuse Biixi Oo Maanta Kornaylku Fulinayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shuruud Xisbiga Waddani Ku Xidhay Wada Hadal Dhexmara Muuse Biixi Oo Maanta Kornaylku Fulinayo


Hargeysa(HWN):-Ergo ka kooban ganacsatada somaliland ayaa bilaabay dedaaalo ay iskugu soo dhawaynaan Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaridka ah oo uu soo kala dhexgalay khilaaf balaadhani.

Natiijada sawirka muuse biixi


Guddidan ganacsatada ah ayaa bilaabay kulamo kala duwan oo ay la yeelanayaan labada dhinac, iyaga oo kulankoodii koowaad la yeeshay Muuse Biixi, kaas oo aqbalay in ergadani dhexdhexaadin ka gasho khilaafka u dhaxeeya mucaaridka.


Dhinaca kale ergadan ganacsatada ah ayaa kulankoodii labaad la qaatay madaxda labada xisbi mucaarid kuwaas oo kulan ay Axadii la qaateen kaga codsaday inay aqbalaan dhex dhexaadinta ay wadaan balse mucaaridka ahaa shuruud ka dhigay in marka hore la soo daayo masuuliyiinta ka xidhan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kuwaas oo ku jira xabsiga Mandheera.


Ergada ganacsatada ayaa kulan labaad oo ay la qaateen Muuse Biixi waxay kaga dalbadeen inuu xoriyadooda u soo celiyo masuuliyiinta ka xidhan xisbiga Waddani si ay wada hadaladu u furmaan balse wararka ayaa sheegay in Muuse aqbalay inuu xoriyadooda u soo celiyo masuuliyiin xidhan oo kala ah xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun iyo OdayCabdi Jaamac Cabdile kuwaas oo ay suura gal tahay inay maanta ka soo baxaan xabsiga mandheera.

 

Loading...
Loading...