Nuxurka Warbixin Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ka Soo Saaray Xaalada Somaliya

0
Tuesday November 26, 2019 - 08:03:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Warbixin Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ka Soo Saaray Xaalada Somaliya

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinkii
dambe ee Isniintii waxaa uu warbixin ka soo saaray xaaladda guud ee Somaliya, iyadoo warbixinta lagu sheegay muhiimadda ay leedahay in Somaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo nabdoon, loo wada dhan yahay, la'isu halayn karo, isla-markaana waafaqsan dastuurka qabyo qoraalka.

Warkan oo  aanu ka soo xiganay Universaltv ayaa intaasi kudaray in Somaliya haddii ay ka dhacdo doorasho ceynkaasi ah ayaa warbixinta lagu yiri "Waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dib u dhiska Somaliya, waxayna gacan ka gaysan doontaa horumarka dimoqraadiyadda dalka."



Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada dalka inay khilaafka meel iska dhigaan, ayna yeeshaan wada hadalo wax ku ool ah.


Waxa uu sidoo kale Goluhu ku baaqay in doorashada noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qaybgalaan dhammaan qabaa’ilada iyo maamulada dalka ka jira.


Dhanka kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa wuxuu walaac ka muujiyya wada shaqayn la'aanta u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qaarkood, taasoo sida warbixinta lagu sheegay caqabad ku ah, sidii lagu gaari lahaa yoolka Qaranka.


Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada kula taliyeen inay dib u bilaabaan wada hadalada, si looga gudbo khilaafka xoogan ee u dhaxeeya, loona dhameystiro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Warbixinta ayaa waxaa si gaar ah loogu soo hadalqaaday baahida loo qabo in xal laga gaaro khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Maamulka Jubbaland, iyagoona ku baaqay in labada dhinac ay wada hadal khilaafkooda ku xaliyan.


Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu soo hadalqaaday sida loogu baahan yahay in horumar laga sameeyo dib u heshiisiinta iyo diyaargarowga Arrimaha Doorashooyinka Galmudug.


Warbixinta ayaa ugu dambeen waxaa Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan loogu baaqay in isagoo kaashanaya Midowga Afrika uu dhinacyada Somaliya ka taageero, sidii loo heli lahaa waddo horey loogu socdo.

 

Loading...
Loading...