Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal Oo Shaaciyey Racfaan Uu Maxkamada Sare Uga Qaatay Go'aan Ka Soo Baxay Maxkamada Maroodijeex

0
Sunday March 24, 2019 - 23:36:46 in News by
  • Visits: 2224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal Oo Shaaciyey Racfaan Uu Maxkamada Sare Uga Qaatay Go'aan Ka Soo Baxay Maxkamada Maroodijeex

    Maxkamada Sare Oo Soo Saaraysa Go'aanka Ugu Dambeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Sare Oo Soo Saaraysa Go'aanka Ugu Dambeeya

Hargeysa(HWN):-Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal ayaa shaaciyey racfaan uu maxkamada sare uga qaatay go’aan ka soo baxay maxkamada gobolka Maroodijeex.



Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal ayaa sheegay inuu racfaan ka qaatay go’aan ay maxkamada gobolka Maroodijeex ugu xukuntay laba macalin xaq ay ku lahaayeen dugsiga sare ee Nuuradiin ee magaalada Hargeysa.



Garyaqaan Xuseen Maxamudu Fadal ayaa racfaanka uu ka qaatay go’aanka laga soo saaray dacwadii uu qareenka uga ahaa dugsiga Nuuradiin Waxa uu ku yidhi:-


Aniga oo ah qareenka dugsiyada Nuuradiin Schools ee magaalada Hargeysa kuna hadlaya codkooda si waafaqsan sharciga waxaan halkan ku cadaynayaa inaanu ka qaadanay racfaan xukunka sharci darada ee ay maxkamada gobolka Maroodijeex nagu xukuntay kaas oo sumadiisu tahay 367/2017 kaas oo soo baxay 19/03/2019 kaas oo ahaa mid aad uga fog cadaalada iyo mabaadiida dhexdhexaadnimada ah, waxaanay maxkamadu nagu xukuntay xaquuqo aanay nagu lahayn labada racfaansame ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin.


Waxaanu maxkamada gobolka Maroodijeex ee soo saartay xukunkan baadilka ah arjigii asbaabta racfaan qaadasho oo ku taariikhaysan 20/03/2019 kaas oo aanu u habraacnay qodobada sharci ee kala ah 246 faqradiisa 2aad iyo 4aad, qodobka 250 oo lala akhrinayo qodobka 39aad faqradiisa 2aad ee xeerka shaqaalaha rayidka ah ee somaliland ee xr Lr 31 2004, maxkamaduna waxay naga qabatay araajidaasi maanta oo ay bishu tahay 23/03/2019 sidaas darteed waxaanu bulshada u iftiiminaynaa inaanu xukunkaasi ahayn mid kama dambays ah balse uu yahay xukun ay taagan tahay durusta racfaankiisu sababtoo ah muu dhamaysan jidadkii lagu durayey xukunada ee sharcigu jideeyey sida ku cad qodobada 221 iyo 223.


Waxa kale oo aanu bulshada u iftiiminaynaa inay dacwadan asalkeeda hore ka soo bilaabantay wasaarada shaqo gelinta qoyska iyo arimaha bulshada gaar ahaan xafiiska xidhiidhka shaqada iyo xalinta khilaafaadka shaqada si waafaqsan xeerka shaqaalaha rayidka ah ee somaliland xr Lr 31 2004 qodobkiisa 39aad faqradiisa 1aad iyo 2aad, iyada oo guddida xalinta khilaafaadka shaqadu ka soo saartay dacwadan darajeedada koowaad go’aanka ay sumadiisu tahay 139 2017 ee ku taariikhaysan 15/11/2017 kuwaas oo go’aamiyeen inaanaywax xuquuq ah ku lahayn labada racfaansame dugsiyada Nuuradiin ee ay dacwaynayaan sidaasna ay ku gar waayeen, waxaanan bulshada u cadaynaynaa inaanu xukunka hada soo baxay ka qaadanay racfaan si sharciga waafaqsan, mana aha xukun kama dambays ah, waxaana dacwada loo gudbinayaa maxkamada sare ee somaliland taas oo aanu magan uga nahay inay naga dulqaado xukunkan dulmiga ah ee ay nagu riday maxkamada gobolka Maroodijeex.








Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...