Faallo:-Madaxweyne, Ha Noqon Gardiid!

0
Monday November 25, 2019 - 22:09:02 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Madaxweyne, Ha Noqon Gardiid!

    Khilaafkan oo muddo dheer soo jiitamaayay, isla markaanna hadba waji iyo marxalad cusub yeelannaayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafkan oo muddo dheer soo jiitamaayay, isla markaanna hadba waji iyo marxalad cusub yeelannaayay
Kampalla(HWN):-Waxa labaddii toddobaad ee la soo dhaafay Caasimadda Hargaysa ee Somaliland ka jirey amaba ka shidnaa khilaaf dhinacyo badan leh oo u dhaxeeyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyadda mucaaridka, gaar ahaan Xisbiga WADDANI.

Khilaafkan oo muddo dheer soo jiitamaayay, isla markaanna hadba waji iyo marxalad cusub yeelannaayay, ayaa 27-kii bishii July ee sanadkan aynnu ku jirno waxa ay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda u sarraysa Xisbiyadda mucaaridku wada gaadheen heshiis ka koobnaa Siddeed qoddob, hase-yeeshee 18-kii bishii August, ayuu mar kale dib u qarxay heshiiskii Xisbiyadda qaranka iyo Xukuumaddu wada gaadheen, waxaannay Xisbiga aqlabiyadda badan haysta ee WADDANI uu sheegay in Xukuumaddu isbaaro u dhigtay heshiiskii geeddi socodka doorashooyinka, iyaddoo ay Xukuumadda ku eeddeeyeen inaanay rabin in dalka laga qabto doorashooyinka, isla markaana la badalo goleyaasha muddo dhaafay.


Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu garab maray shuruudihii looga baahnaa Xubinta ka mid noqonaysa Guddiga doorashooyinka qaranka, waxaannay sheegeen in saddexdii Xubnood ee Madaxweynuhu soo xulay ay laba ka mid ahi aannay buuxin shuruudihii uu tilmaamay Xeerka doorashooyinku, isla markaana Xubinta Cabdirashiid Riyo-raac uu ka tirsan yahay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, taasinna ay tahay Sharci ku tumasho cad. Waxa kale, oo uu Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu doodday in Xubinta labaadna ay ka tirsanayd Komishankii hore ee la badalay, hase-yeeshee eeddahaas oo dhan waxa iska deedafeeyay, iskanna foggeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaannu yidhi "Maalmahan waxaad maqlayseen sawaxan badan oo Xisbiyadda mucaaridka ka socday, gaar ahaan Xisbiga WADDANI. Wuxuu ku dacwoodday Sharcigii baa la jebiyay, raaci mayno go'aankaas baarlamaanka ka soo baxay, Madaxweynahaa maroorsadday, gartaa ma ogalin.

Xalaal iftin baa la qashaaye waxay ku dooddeen in Xisbiyaddu ku heshiiyeen inaan Xubnihii hore ee Guddiga doorashooyinka lagu soo celin karin guddida cusub ee doorashooyinka, haddii qoddobkaas oo qoraal ah ay hayaan ha soo bandhigaan. Anigu heshiis noocaas dhigaaya maan saxeexin, manna ogi oo ma jiro ayaan leeyahaye iyagu (Xisbiyadda Mucaaridka ahi), ummadda ha u soo bandhigaan annagaa ka gar-daranne" Sidaa waxa ku doodday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ha-yeeshee waxay ahayd in Madaxweynuhu uu u yeedho Madaxda Xisbiyadda mucaaridka oo uu dhagaysto waxa ay diiddan yihiin, isagunna waa Madaxweynahee uu dooddiisa hor dhigo, isla markaanna ay isla eeggaan qoddobadda ay ka siman yihiin, iyaddoo uu Madaxweynuhu tanaasulka iyo wada-jirka ummadda eeggaayo markasta.

Haddaba, khilaafkaasi waxa uu keennay in Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu taageerayaashiisa ugu baaqo inay iskugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga ee Caasimadda Hargaysa si ay Madaxda sarre ee Xisbigu ugu gudbiyaan Xaaladda adag ee dalku ku jiro, balse talaabaddaasi waxay u cuntami wayday Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, waxaannay qaadday talaabooyin ay kaga hor tagayso baaqaas Xisbiga, iyaddoo Xabsiga dhigtay Xoghayihii guud, Afhayeenkii iyo Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, isla markaanna ah ninkii Madaxweynaha u bixiyay kalmadda caan-baxday ee "Ila meerrayso". Waxa kale oo jirey Masuuliyiin kale oo Xabsiga loo taxaabay, waxaanna muuqata inaanu Madaxweynuhu wax tanaasul ah haba-yarraatee aannu samaynin, taasoo aan Masuuliyaddiisa iyo isku haynta Shacabka midna aan u wanaagsanayn.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhagaha ka furaystay dhawaaqyadda ka imanaaya shacabka Somaliland. Sidoo kalenna waxa uu Madaxweynuhu albaabadda ka xidhay guddigii dhexdhexaadinta ahayd, iyaddoo ay la kulmeen Madaxda sarre ee Xisbiyadda mucaaridka, kuwaasoo ka aqbalay ergaddii ay ula tageen, waxaanna habboonayd in Madaxweynuhuna uu ergaddaas qaabillo oo dhagaysto tallooyinkoodda, maaddaama uu yahay Masuulkii u sarreeyay qaranka.

Ugu danbayntii weedha Hadhwanaagnews waxay ku talinaysaa inaanu Madaxweynuhu noqon Gardiid, isla markaanna uu khilaafyadda siyaasaddeed ee jira ku dhammeeyaa si guurtinimo ah oo Odaynimo ah si xeeggo xeeggo u noqoto Ilkanna u nabad-gallaan, wada-jirka ummaddana la xoojiyo.

Faallo, Hadhwanaagnews
Kampalla, Uganda


Loading...
Loading...