Puntland Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Roobab Ka Da'ay Deegaanada Ay Maamusho

0
Monday November 25, 2019 - 17:32:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Roobab Ka Da'ay Deegaanada Ay Maamusho

    Garoowe: 25 November 2019 : Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe: 25 November 2019 : Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland
Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo Dowladdu ka yeelatay sidii wax looga qaban lahaa waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland.

 

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Labada Gole Dowladda , Hay’adda Wadooyinka Puntland, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee HADMA, Masuuliyiinta Mashruuca (TIS+ ee Hayádda USAID) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Puntland, waxaa lagu soo bandhigay warbixinaha hordhaca ah ee laga hayo khasaarikhii ka dhashay Roobabkii da’ay, oo ay ka Wadooyink go’ay sida Wadada Lafa Goroyo ee Gobolka Gardafuu, Wadada Laasqoray- Ceelaayo ee Gobolka Sanaag iyo Wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo, kuwaasi oo ka shaqeyn doona wax ka qabashada khasaarihii ka dhashay Roobabka iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka waxyeeladu gaartay.

 

Ugu danbeyn Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu ku baaqay Dowladd, Shacab iyo Hay’addaha deeqaha bixiya in dhammaan la isu taago sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaateysan, oo ay ugu horeyso meelaha xaaladdaha adag ka jiraan sida Gobolka Gardafuu.

 

=DHAMMAAD=

 

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Loading...
Loading...