War Deg Deg Ah:-Labada Xisbi Mucarad Oo Hadda Ku Dhawaaqay Gudi Farsamo Oo Isku Dhafan.

0
Monday November 25, 2019 - 12:32:15 in News by
  • Visits: 4601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Labada Xisbi Mucarad Oo Hadda Ku Dhawaaqay Gudi Farsamo Oo Isku Dhafan.

    War Deg Deg Ah:-Labada Xisbi Mucarad Oo Hadda Ku Dhawaaqay Gudi Farsamo Oo Isku Dhafan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Labada Xisbi Mucarad Oo Hadda Ku Dhawaaqay Gudi Farsamo Oo Isku Dhafan.

Hargaysa(HWN):-Xisbiyadda mucaradka ee Wadani Iyo Ucid oo kulamo saacado badan qaatay uga socdo magalada Hargaysa ayaa lagaga hadlayay sidii loo wajihi lahaa komishanka darashooyinka ee lagu muransan yahay iyo muddo kordhinta loo sameeyay golaha wakiilada.


Labada xisbi mucarad ayaa kulankoodan waxa warar hordhac oo ay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews helayso ay sheegayaan in ay iska soo sareen,laba gudi oo kale duwan ,gudiyaasaasi oo ka kooban gudi farsamo iyo gudi matalayaa hogaanka labada xisbi mucarad ee Wadani iyo Ucid.



Gudida farsamada ayaa ka kooban todaba xubnood oo ka socda xisbiga Wadani iyo Todaba xubnood oo ka socda xisbiga Uicd kuwaasi oo wadarta guud ay isku noqonayaan 14xubnood (afar iyo toban xubnood) oo ka shaqaynayaa arinta la xidhiidha komishanka lagu muransan yahay iyo muddo kordhinta shalay qalinka lagu duugay golaha wakiilad.

Gudada labaad ayaa ka kooban min afar xubnood oo hogaanka xisbiyadda wadani iyo ucid ka kala socda oo la shaqayn doona gudada farsamada ay ku dhawaqeen ,isla markaana ay ka wadan shaqayn donaan muranadda ku gadaman komishka cusub oo maanta madaxtooyada lagu dhaariyay iyo muddo kordhinta golaha wakiilada.

Xisbiyadda mucaradka ayaa amaan ahaan u qariyay magacyada gudiyadda kale duwan ee ay u xuleen murannada ka taagan Komishanka Cusub iyo Muddo kordhinta loo sameeyay golaha barlaanka Soomaliland. 


 HadhwanaagNews.com 
Hargaysa/Office
Loading...
Loading...