Diyaarad Ku Burburtay Bariga Congo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Oo La Shaaciyey

0
Monday November 25, 2019 - 00:48:10 in News by
  • Visits: 1403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Ku Burburtay Bariga Congo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Oo La Shaaciyey

    Diyaarad Ku Burburtay Bariga Congo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad Ku Burburtay Bariga Congo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Oo La Shaaciyey


Diyaarad rakaab ah ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 24 qof ka dib markii ay ku burburtay magaalada Goma ee ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.


Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 17 qof oo rakaab 2 qof shaqaalaha diyaaradda, waxaana la sheegay inay dhammaantood ku dhinteen.

.


Diyaaradda oo ku dul dhacday dhismayaal ay dad dagganaayeen ayaa sida oo kale waxyeello u geysatay dad guriyahaasi ku sugnaa.Diyaaradda rakaabka ayaa ku burburtay Mapendo oo ka tirsan Jamhurriyadda Dimuqraadiga Congo.


Maamulaha gobolka Kivu ee waqooyiga dalka DRC Nzanzu Kasivita wuxuu sheegay diyaaradda marka ay garoonka caalamiga ee magaalada ay ka duushay waxyar kaddibba la waayey.


Warbaahinta maxalligana waxay sheegeen in dad ku sugnaa halka ay diyaaradda ku burburtay dadka ay waxyeellada soo gaartay ay ka mid yihiin.


Shilalka diyaaradaha ee ka dhaca DRC ayaa la sheegaa iney yihiin kuwa marar badan dhaca iyada oo shilalka loo sababeeyo badqabka diyaaradaha oo aad u liito iyo diyaaradaha oo aan dayactir taya leh loo sameyn.


Diyaaradaha dalkaasi ayaana gabi ahaanba laga mamnuucay waddamada Midowga Yurub.


Diyaaradda burburtay ee Dornier 228 waxaa leh shirkadda diyaaradaha rakaabka ee Busy Bee, diyaaradda ayaa xilligaasi ku socotay Beni oo 350 kiilo mitiri u jirta magaalada ay ka soo kicitintay.


Maamulka Gagida diyaaradda ay ka soo duushay ee Goma waxay BBC u sheegeen in diyaaradda ay burburtay waxkayar daqiiqad inataymarka ay hawada kiu jirtay.


Ila wareedyo kale ayaa sheegaya i matoorka diyaaradda ay cillad la soo deristay.


Shaqaalaha gurmadka ayaa laga howl geliyey goobta ay diyaaradda ku burburtay waxayna qaadayaan dhaawacyada iyo meydadka dadka ku geeriyooday shilkaasi ka soo saaray burburka diyaaradda.




Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...