Mid Kamid Ah Gobolada Puntland Oo Galay Xaalad Go'doon Ah

0
Sunday November 24, 2019 - 15:19:01 in News by
  • Visits: 2365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamid Ah Gobolada Puntland Oo Galay Xaalad Go'doon Ah

    obolka Gardafuu oo kamid ah sagaalka gobol Puntland ay ka kooban tahay, ayaa galay xaalad go'doon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

obolka Gardafuu oo kamid ah sagaalka gobol Puntland ay ka kooban tahay, ayaa galay xaalad go'doon

Muqdisho(HWN):- Gobolka Gardafuu oo kamid ah sagaalka gobol Puntland ay ka kooban tahay, ayaa galay xaalad go'doon ah, kadib markii roobab halkaas ka da'ayay maalmihii ugu dambeeyay ay kala jareen waddooyinkii isku xiri jiray.

 

Gobolkaan oo dhaca bariga fog ee dhulka xeebaha bari, ayaa horey u lahaan jiray waddooyin macmal ah oo buuraha dushooda kuyaalay, kuwaas oo mararka qaarkood halistooda ay badnayd.




Wadada kaliya ee gobolkaas iyo gobolada kale isku xiri jirtay oo la yiraahdo Lafagorayo, ayaa hadda gebi ahaanba xirantay sida ay maanta warbaahinta u sheegeen xildhibaano kasoo jeeda gobolkaas oo warbixintiisa horgeeyay kalfadhiga barlamaanka Puntland.

Xildhibaanadu waxay tilmaameen in gobolku ku sugan yahay xaalad adag oo aan indhaha laga qarsan karin, iyagoo sheegay in xitaa dhinacii badda aan loo mari karin sababa la xidhiidha badda oo kacsan.

Mudanaayaasha waxay ku baaqeen in si degdeg ah xaalada waddooyinka gobolkaas wax looga qabto, dowladda iyo hay'addaha gargaarkuna ay gaarsiiyaan wixii taakulo ah oo ay ugu talo galeen shacabkaas go'doonsan

Gobolka Gardafuu waa gobol kuyaala dhul taariikh fog leh oo ay ka buuxaan khayraad dabiici ah oo bad iyo berriba leh. Tan iyo markii Puntland u aqoonsatay gobol gaar ah sanadkii 2013, ma helin xuquuqdii uu lahaa oo ay ugu horeeyaan adeegyada arrimaha.


Hadhwanaagnews

Muqdisho/office


Loading...
Loading...