Maraykanka Oo Shaaciyey Xidiidho Dhexmaray Xoghayaha Arimaha Dibada Iyo Qareenka Trump

0
Sunday November 24, 2019 - 14:08:49 in News by
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Shaaciyey Xidiidho Dhexmaray Xoghayaha Arimaha Dibada Iyo Qareenka Trump

    Maraykanka Oo Shaaciyey Xidiidho Dhexmaray Xoghayaha Arimaha Dibada Iyo Qareenka Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka Oo Shaaciyey Xidiidho Dhexmaray Xoghayaha Arimaha Dibada Iyo Qareenka Trump


Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, ayaa waxa ay shaacisay diwaanno la xidhidha  qaabka uu maamulka Trump ula dhaqmay Ukraine.

Rudy Giuliani and Mike Pompeo


Dikumintiyada ayaa waxaa la gaarsiiyay hay'adda dhanka anshaxa kala socota dowladda Mareykanka kaddib markii la codsaday in iyadoo xorriyadda xogta la adeegsanayo dikumintiyadaas la bixiyo.

Diiwaannada ayaa waxa ay muujinayaan xiriir joogta ah oo u dhaxeeya Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo iyo qareenka Mr Trump ee shakhsiga Rudy Giuliani.

Xiriirka Mareykanka iyo Ukraine ayaa waxa uu udug dhexaad u yahay baaritaanka xil ka qaadista Mr Trump.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu hakiyay deeq ku socotay Ukraine oo uu meelmariyay Koongareeska si uu cadaadis ugu saaro dalkaas si uu u baaro ninka ay siyaasadda isku hayaan ee Joe Biden.

Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in baaritaanka uu yahay "mid lagu ugaarsanayo" waxa uuna diiday inuu wax khalad ah sameeyay.

Dikumintiyadu maxay sheegayaan?

Mr Giuliani ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu sharaf rido safiirkii hore ee Mareykanka u fadhisay Ukraine, Marie Yovanovitch, xilli uu waday howlo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee Ukraine. Waxaa su'aalo laga keenay waxa uu Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ka ogaa arrinta.

Diiwaannada ayaa waxa ay muujinayaan Mr Pompeo iyo Mr Giuliani oo si xiriir ah u wadahadlaya - walow aanan la garanayn mowduucyada waxyaabaha ay ka wadahadlayeen.

Emaillada ku jira dikumintiyada ayaa waxa ay muujinayaan in labada nin ay taleefanka ku wadahadleen 27 iyo 29 Maarso.

Wicitaanka labaad ayaa yimid kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha Giuliani uu email u diray kaaliyaha Madaxweyne Trump, Madeleine Westerhout, si uu u waydiiyo inay hayso taleefanka Mr Pompeo.

Ms Yovanovitch ayaa bishii May waxaa laga qaaday xilka safiirnimadii Ukraine.

"Waannu aragnaa sababta Mike Pompeo uu u diiday in xogtan uu Koongareeska u siiyo. Waxa ay shaaca ka qaadaysaa warqadda raad-raaca ah ee ka timid Rudy Giuliani ee ku socotay Xafiiska Mareykanka loogaga taliyo gaar ahaan Xoghaye Pompeo inuu fududeeyo ololaha sumcad rididda ah ee uu Giuliani wado ee ka dhanka ah safiirka Mareykanka," ayuu bayaan uu soo saaray ku sheegay Agaasimaha Guud ee hay'adda ilaalisa anshaxa hab dhaqanka Ameerika, Austin Evers.

"Tani waa wareegga koobaad ee soo shaacbixinta xogta. Cadaynta la helayana waxa ay sii halaynaysaa maamulka, xilli ay burburayso istiraatiijiyadda dib u dhigista iyo hor istaagga awaamiirta maxkamadda." Ayuu sii raaciyay.

Maxaa lagu eedeeyay Madaxweyne Trump?

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay sidii uu dowladda Ukraine cadaadis ugu saari lahaa inay baaritaanno ku sameyso musuqmaasuq lala xiriiriyay siyaasiga loollanka kula jira ee lagu magacaabo Joe Biden iyo wiilkiisa.

Biden oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, wiilkiisa wuxuu la shaqeyn jiray shirkad gaaska ku shaqo leh oo laga leeyahay Ukraine, taasoo lagu magacaabo Burisma.

Balse Mr Trump wuxuu iska fogeeyay inuu wax khalad ah sameeyay.




Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...