Fursadda, Muddo kordhinta dhiig-baxa qaranka ku ahayd waxaa bixiyay Xisbiyada Mucaaradka ah....W/Q Calimahdi Jibriil

0
Sunday November 24, 2019 - 13:58:06 in Articles by
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fursadda, Muddo kordhinta dhiig-baxa qaranka ku ahayd waxaa bixiyay Xisbiyada Mucaaradka ah....W/Q Calimahdi Jibriil

    Fursadda, Muddo kordhinta dhiig-baxa qaranka ku ahayd waxaa bixiyay Xisbiyada Mucaaradka ah....W/Q Calimahdi Jibriil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fursadda, Muddo kordhinta dhiig-baxa qaranka ku ahayd waxaa bixiyay Xisbiyada Mucaaradka ah....W/Q Calimahdi Jibriil



Guud ahaan rejo xumo iyo yididiilo darro ayay inagu ahayd wixii foosha xumaa ee maanta dhacay, dhamaanteenna waynu ka xumaanay.

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor


Nasiib darraduse waxa ay tahay marka khalad dhoco Mucaaradka ayaa sixi jiray lkn xisbiyadii wax sixi lahaa marka ay khalad siyaasiya galaan ma lihin meel aynu uga guurno.

SIDEE XISBIYADU U GALEEN KHALADKA.
---------------------------------------------------------------
Waxa aynu ognahay 6 jeer oo loo kordhiyay wakiilada, lixdaba waxaa sabab u ahayd khilaaf komishan, gudida doorashooyinka oo la isku maandhaafo waxa keliya aynu ka dhaxalnaa waa muddo kordhin, cid kasta oo khilaafka abuurtaana sabab iyadaa u ah muddo kordhin kasta oo dhacda.

Anigu shakhsiyan waxaan ka mid ahaa anoo aad u ixtiraamaya siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac hadana waxaan u arkayay in aanu ku haboonayn Komishanka oo uu ku fiicnaa Wasiir in ay ka dhigato hadii ay dowladdu calmatay, hadana waxaa marag ma'doon in cid kastaa ogayd khilaafkiisu in uu muddo kordhin dhalayay oo ay haboonayd doorasho darteed in loo liqo, waayo waxaa xaqiiqo ah xisbi kastaa qof xisbiyahan ah oo uu ku kalsoonyahay in uu keensaday oo xataa nin kasti cidii qoyskiisa ugu dhaweyd ee uu ku kalsoonaan karayay uu keensaday.

Tusaale yar, Ciise Xamari oo ahaa UDUB-yahan weyn maalmo ka horna aad u dhaliilay Axmed Siilaanyo ayaa Madaxweyne Riyaale keenay Komishanka, siyaasiyiintii Kulmiye aad ayay uga biyo diideen magacaabista Ciise,
Siilaanyo ayay u soo jeediyeen in uu Riyaale ku celiyo, Axmed wuu diiday wuxuuna ku sabababeeyay 2 qodob oo uu u sheegay siyaasiyiintii xisbigiisa wuxuu ku yidhi:
• "Qofka Ciise diidaa aniga ayuu i diiday khilaaf aynu ka keennaana dib ayay doorashadu ugu dhacay 70% ayaan dadka haystaa ha iga kala daadinina sidaas baan ku galayaaye.
• Qodobka labaad ee uu ku sababeeyayna waxa uu ahaa "Ciise reer buu ka soo jeedaa hadii aan diidana reerkii baa igu kacaya markaa ha u juuqina.

Markii Riyaale oo rabay in uu korodhsado godkaasi ka fashilmay god kale ayuu degey wuxuuna soo taxtaxay Ciise waa Gudoomiye, mar labaad looma juuqin sidaas ayaana 2009 muddo kordhin kale lagaga badbaaday.

Qodobkaa siyaasiga ah ee 2009 la ciyaaray waxa uu cadayn inoogu filanyahay siyaasad xumada 2019 ka iyo fursadda Xisbiyadii bixiyeen.

DANI YAY UGU JIRTAY DOORASHADA.
----------------------------------------------------------
Sida aan qabo Fursad weyn ayay xisbiyada mucaaradka ah u ahayd Doorashadani waxaan aaminsanahay in ay heli lahaayeen Xubno badan oo golaha u gala sidoo kale haday heshiiyaan sidii kulmiye iyo ucid waxa ay qaadan lahaayeen Gudoomiyaha iyo labada Gudoomiye ku xigeen, golaha oo ay hadda ka yihiin Maynooratina waxa ay yeelan lahaayeen aqlabiyadda lkn fursaddaas way lumiyeen.

CODAYNTU GOLUHU SAX MA AHAYD.
----------------------------------------------------------
Sida sharciga dalku dhigayo xaq ayay u leeyihiin Guurtidu in ay mudada kordhiso hadii Xukuumadda iyo Xisbiyaddu Tahli waayaan in ay Doorasho ku heshiiyaan oo qabtaan, Guurtiduna waxa ay guteen waajinaad dastuuriya,
Gudoomiyaha Guurtidu Gudidii uu u saaray arinta doorashada in ay soo daraaseeyaan waxay la shir yimaadeen in aanay Xisbiyadu diyaar u ahayn doorasho, xukuumaduna aanay waqtigan qaban karayn khilaafna ay ka bixi waayeen sidaa darteed la siiyo 2 sanno oo ay ku soo heshiiyaan sidaas baana lagu kordhiyay.

XISBIYADU DAACAD MA KA YIHIIN DORASHO
------------------------------------------------------------------
Runta marka aynu ka hadalno jawaabtu waa MAYA.
xisbiga WADDANI dhaqaalo la'aan badan ayaa haysata waqtigana ma hayo dhaqaale uu doorasho ku galo taas ayaa caqabad hor taagan ah.
Halka Xisbiga UCID isaga ka muuqato in uu rabo in uu iska fogeeyo eedda dib u dhaca lkn qudhiisu awood doorasho ma hayo.
Xukuumada iyo Kulmiye iyagu waxa ay ka eegayaan dhinac ah aqlabiyaddii Golaha waad haysataan waqtigana idinka oo aan waxba qaban balanqaadadiiniina 20% ka fulin hadii aad doorasho gashaan waad fashilmaysaan waa yoolka ay ka duulayaan.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY.
------------------------------------------
Xaqiiqadu waxa ay tahay in aanay sadexda xisbiba rabin doorasho oo dadka lagu maaweelinayo,
Xaqiiqadu waxa ay tahay in ay fashilmeen xisbiyadeenii qaranku nidaamkii doorashaduna sii dhimanayo, khilaaafka jiraana waa isku riix riixa eedda dib u dhaca uun.

MAXAA XAL AH.
-------------------------
Xalku waxa uu iila muuqdaa in la qabto Doorashadii Deegaanka lana furo ururadii, xisbiyadanna dhamaan laga takhaluso oo dhiig cusub qaranka lagu shubo.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...